Wasiir Geeljire Oo Ka Hadlay Mawqifka Xukuumadda Ee Xilka Foosiya Loo Magacaabay

0
721

 

geeljireHargeysa(Geeska)-Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka badda Somaliland, Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay inaanu waxba ka bedelayn wada hadaladii u bilowday Somaliland iyoSomaliya magacaabista xilka Wasiirka Khaarajiga iyo Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya loogu magacaabay Foosiya Xaaji Aadan oo ka soo jeeda Somaliland.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee BBC-da, u waxa uu sheegay in Foosiya ay u dhalatay Somaliland, isla markaana Somalia ay u dhaxday . “Foosiya Somaliland way u dhalatay, xagaasna (Soomaaliya) way u dhaxday.”

Md. Geel-jire waxa uu intaasi ku daray “Markaa wax cusub ma aha xilkan loo magacaabay waxa hore u soo maray Wasiirka Khaarajiga Cismaan Jaamac (Kalluun), Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Carab Ciise oo u dambeeyay oo isku ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Raysal wasaare Ku xigeen.”

“Dawladdan la magacaabay waa mid u gaar ah Soomalia, anagana Somaliland ayaanu nahay. nagu mar walba waanu sugaynaa waxay dhistaan si aanu ula xidhiidhno oo ula hadalno,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyay siday u arkaan wada hadaladii Somalia iyo Somaliland maadaama oo ay hore u diiday in wada hadalada lagu soo daro xubno ka soo jeeda Somaliland, waxaanu yidhi “Wax Allaale iyo wax iska bedalayaa ma jiro wada hadalkii u dhaxeeyay labada dal. waa wax caalamkana aanu ka balan qaadnay, dadkayagana ugu balan qaadnay oo aanu u aragno dantayadduna ku jirto.”

“Sidii ay u hadashay iyo halkii istaagtay Foosiya ma aanu diidin. Wada hadalada xukuumad ayaanu la galaynaa. Kuwa aanu diidanay waxa weeye qaar gobolo Somaliland ka mid ah ka soo jeeda, balse aan wax xilal ah ka haynin Soomaaliya,”ayuu yidhi Cabdilaahi Geel-jire.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in tallaabo laga qaadayo iyo in kale haddii Wasiirka cusub ee Khaarajiga Soomaaliya timaado Somaliland, waxa uu yidhi “Shuruuc baa Somaliland ka taalla qofka Somalia taga ee siyaasadeeda ka qeyb gala laga qaadayo. laakiin waxa cad in qofka ka qeyb gala Soomaaliya halkan imaatinkiisu ma bannaana.”