Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumaddii UDUB Oo U Tartamaya Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa

0
630

 

dhoolayreHargeysa(Geeska)-Wasiirkii cadaaladda ee xukuumadii hore ee UDUB Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa ka mid noqday murashixiinta u  tartamaysa golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

 

Dhoolayare, oo sidoo kale xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka noqday wasiirka Beeraha, ayaa hadda ah guddoomiye xigeenka ururka RAYS ee uu ka sharaxanyahay, waxaanu wakhtigii lagu dhawaaqay furashada ururada siyaasadda aasaasay ururkii Daljir oo markii dambe la bahoobay ururka RAYS oo ka mid ah ururada wakhtigan tartamaya. Waxaanu Aadan-Dhoolayare noqonayaa murashaxa keliya ee xil wasiirnimo soo qabtay ee ka mid ah murashixiinta u tartamaya golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaanay taasi ka dhigtay inay dad badani wax iska weydiiyaan sababta murashaxnimadiisa.

Haddaba, wargeyska Geeska Afrika, wuxuu la xidhiidhay Murashax Aadan-Dhoolayare si aanu wax uga weydiino su’aalo ay bulshadu iska weydiiyay murashaxnimadiisa, waxaanu sababta keentay inuu isu sharaxo golaha deegaanka Hargeysa, uu ku sheegay baahiyo uu arkay inay ka jiraan caasimadda Hargeysa oo uu doonayo inuu wax ka qabto. “Waa run oo laba xil oo wasiirnimo ah waan soo maray, hamigayguna waa mid fog, markaas waxyaabo badan oo aan arkay oo ka maqan caasimadda Hargeysa dartood ayaa sababay inaan is sharaxo.” Ayuu yidhi Murashax Dholayare, waxaanu intaas raaciyay, “Markaan arkay inaan ahay muwaadin wax dooran kara, lana dooran karo, ee aan eegay baahiyo iyo galdaloolooyin caasimadda ka jira, si aan wax uga qabto waxaan go’aansaday inaan ka mid noqdo murashixiinta u tartamaysa golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.”

Mr. Aadan-dhoolayare, oo ah nin dhallinyaro ah, ka hor xilka wasiirnimo ee uu Madaxweynihii hore u magacaabay, wuxuu ka mid ahaa muwaadiniinta Somaliland ee degen dalka Norway oo uu ku lahaa ganacsi.