Obama Iyo Romney Oo Maanta Ku Kala Calaf Qaadaya Doorashada Dalka Maraykanka

0
694

 

obamWashington (Geeska/DMail)- Doorashadii madaxtinimada Maraykanka oo la sheegay in Madaxweyne Barack Obama iyo ninka kula tartamaya ee Mitt Romney isku dhow yihiin ayaa maanta loo dareeri doonaa codayntooda.

Saadaalo la qaaday toddobaadkan ayaa cadeeyey inay noqon doonto doorashadii la isugu dhowaa taariikhda Maraykanka, waxaanay ku hirdamayaan xilligan afar gobol oo bayaamin doona guusha doorashadan.

Gobolka Ohio, ayaa la sheegay in Obama ku hogaaminayo boqolkiiba 48, halka ninka kula tartamaya haysto 46%, halka Virginia, kala haystaan 47% Obama iyo 46% Romney.

Guud ahaan dalka Maraykanka ayey saadaashu tilmaamaysaa in 48% shacabku u codeyn doonaan Obama, halka 47% codka siin doonaan Romney, taasoo guushu raaci doonto xisbigii taageerayaashiisu ku tagaan goobaha codaynta tirade ugu badan gobolada la isku haysto codadkooda.

In ka badan dad gaadhaya 27million ayaa immika ka codeeyey 34 gobol iyo degmada Columbia. Ilaa xilligan, codadka taageerayaasha Democratic ayaa ka horeeya Republicans gobolada Florida, Nevada, North Carolina iyo Ohio, halka  Republicans ku horeeyaan gobolka  Colorado, oo Obama ku guulaystay doorashadii 2008.

 Shalay, Mr Romney ayaa socdaal ku maray gobolada Virginia, Ohio, iyo weliba Pennsylvania iyo Iowa, laba gobol oo xisbiga Democrats ku leeyahiin taageeyaal badan u diiwaangashan. Romney ayaa sheegay in Obama ka gaabiyey ballanqaadkiisii, una jeediyey in laba maalmood uga hadheen bilow cusub, iyo mustaqbal fiican. ‘Maraykanku, wax walba wuu gaadhi karaa. Sababta keliya e edib inoo haysa waa hogaamin la’aan’.

Sidoo kale Obama ayaa afar gobol isaga gudbay shalay kala ah New Hampshire, Florida, Ohio and Colorado. Obama ayaa ololahan ugu danbeeya helay garabka Bill Clinton, oo dhinac iska dhigay xurguftii dhexmartay xaaskiisa Hillary, 2008, halkaa oo Obama barbar dhigayo siyaasadihiisa dhaqaalaha sidii Bill Clinton xilligiisii.

Boqolkiiba sideed dadka aduunka ayaa jecel in Obama ku negaado Madaxtinimada Maraykanka, hadii codkooda la weydiin lahaa.

Sahamin ay ku samaysay shabakada MSN dad gaadhaya 570,000 oo kala degan 36 wadan ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 19 jecel yihiin Romney.

Dalka keliya ee jecel Romney ayaa noqday China oo boqolkiiba 52% ah, halka Ingiriiska dadkiisu jeclaadeen 85% inay Obama u codeeyaan.