Wasiir Geeljire Oo Ka Hadlay Dagaal Dhex Maray Ciidamada Badda Iyo Kaluumaysato Iiraaniyiin Ah

6
488

 

Picture3Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal fool ka fool ah oo Kaluumaysato reer iiraan ahi xeebaha gobolka Sanaag kula galeen ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre), ayaa kaluumaysatada reer Iiraan ee dagaalka la galay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ku tilmaamay budhcad-badeed, isaga oo ku hanjabay in ciidamada xeebaha Somaliland hadda ka dib dejin doonaan doonyaha sida sharci darada ah uga kaluumaysta biyaha badda Somaliland, haddii ay rasaaseeyaan ciidamada.

Wasiir Geel-jirre oo shalay u waramaya Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in kaluumaysatada ciidamada Somaliland dagaalka la galay ay ahaayeen kuwo ay baddooda ka soo eryeen ciidamada ilaalada xeebaha maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Kaluumaysato Reer Iiraan ah oo ciidamada Puntland baddooda ka soo saareen, ayaa markii ay Baddeena u soo dhaqaaqeen ee ay is yidhaahdeen Shabaag dhigta oo ka kaluumaysata, markii ay ciidamadeedna baddu ku dhawaadeena rasaas ayay kaga soo riddeen doonyaha, dabadeedna ciidanka ayaa rasaas ugu jawaabay, markaas ayay ka yaaceen oo ay ka baxeen”

Wasiirka kaluumaysiga Somaliland, waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid fool xun “Arinkaasi waa fal aad iyo aad u fool xun, baddeenana waanu ilaalinaa, laakiin waa markii ugu horeysay ee dad tuuggo u yimid ay ciidankeena rasaas ku riddaan, kuwaasi iyagga ayaaba budhcad-badeed ah, sidii aanu xidhiidh u samayn karnaba cabasho waanu gudbin doonaa, laakiin waxaanu uga digaynaa iyagga (iiraaniyiinta) iyo qayrkoodba haddii ay rasaas ciidankayaga kaga soo dhacdo doonyo sharci daro ah inaanu dejin doono (Doonyaha)” ayuu yidhi.

Comments are closed.