Hargeysa: Xarun Cilmibaadhiseed Oo Falanqayn Ku Samaysay Hay’adaha Muqdisho U Guuraya

1
3721

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Badhtamihii March 2013, ayaa waxa dalka Somaliland yimid wefti heersare ah kana socday laamaha qaramada midoobey ee Somaliya iyo Somaliand ee xaruntoodu tahay Nairobi (in mid March 2013, a senior delegation from several United Nations Agencies, UNDP, UNHCR, UNICEF, FAO, WFP, WHO and UNPOS, have arrived in Somaliland with the express intention of moving their offices in Kenya (Nairobi) to Mogadishu Somalia)

Waxay weftigan ka socday laamaha qaramada midoobay ay u sheegeen dawlada Somaliland iyo hayada caalmiga ah ee ay wadashqaynta leeyihiinba inay  xarumahooda maamul u arayaan magaalada Muqdishu bilowga bishan Jun 2013, taasoo ay u sheegeen inaanay saamaynayn shaqooyinkii ay ka wadeen Somaliland, balse ay xarumuhu noqon doonaan Muqdisho, taas oo sida muuqata dawlada Somaliland ay ku qanacday arinkaas isaga ah iyadoon waxba ka xidhin,

Hadaba waxa jirta in xukumada federaalka ah ee Somalia ay dadaalo ugu kana mid ahaa mar walba dalabaad keeda in xafiisyada xarumaha qaramada midoobay loo soo raro caasimada Muqdisho, maadama ayay iyadu tahay caasimada Somalia dabcan Somaliland na ka mid tahay Somaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska UNDP  cinwaankiisuna ahaa (Most senior UNDP official to visit Mogadishu in 20 years meets with President)taas oo sheegaysa in 19 Feb 2013 ay ku tagtay magaalada Muqdisho booqasho gabadah u qaabilsan Xogayaha Guud Maamulka ee barnaamijyada UNDP (UN Under Secretary-General and United Nations Development Programme Associate Administrator Rebeca Grynspan)  taas oo uu madaxweyne Xassan Sheekh ka codsaday in xarunta UNDP loo soo raro Muqdishu, isla markaana ay ku wargelisay in uu socdo arinkaasi 1stJune 2013 kana laga furi doono Muqdisho  (UNDP’s Somalia country office is in the process of relocation to Mogadishu from Nairobi, by 1stJun in this year 2013)

Intaasi cadayn inoogu filan in qabanqaabda geedigan xarumaha UN ta loogu rarayo Muqdisho socday mudo balse hada uu taagan gabgabo, taasoo welibana aad moodo in si toosa la isaga indha tirayo qalalaasaha nabadgelyo ee kajira Muqdishu,

SAAMAYNTA

Hadaba side ayay Somaliland u saamaynaysaa talaabadan ay UN tu qaaday ee xarumihii maamul oo laamaha UN ta oo dhan in loo raro Muqdishu.

Waxaan qarsoomi Karin in ay si toosa oo ah dhanka siyaasada iyo dhanka dhaqaalaha ahba  ku yeelanayo Somaliland. Xagga dhaqaalaha aynu ku horeyno inagoo qormo dambe ku iftiimin doona saamaynta dhinaca siyaasad, keliya  xagga fursada shaqo (job opportunities) waxa jira in dhawaanahan ay Somaliland ka jirto shaqo la,aan (un employment), taas oo ah in fursadaha shaqo ee wadanka ka jiraa marka hoeba ay kooban yihiin, isla markaana ay sababto in dhalinyartii iyo dadkii waaweynaaba u socdaalaan Muqdisho, si ay uga raadsadaan shaqooyinka halkaa loo wareejiyay sida kuwan qaramada midoobay, waxa hubaal ah inay ku jiri lahayd shaqo abuur hadii xafiisyadan UN ta  qaarkood loo soo rari lahaa Somaliland,  waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa Hayadaha FAO iyo UNDP oo baahiyay shaqooyin ka bada 100 shaqo isla markaana 99% ay ka dhigeen goobaha shaqooyinkaasi (Duty Stations) Muqdisho FAO Somalia is looking for qualified and interested candidates for the 97 Vacancy Positions. All positions are open to Somali Nationals ONLY.

Tirda intaas ah ee todoba iyo sagaashan shaqo keliya sadex jago oo yaryar ayay goobaheeda shaqo yihiin Somalialnd , miyaanay ahayn cunsuriyad (discrimination) ay UN tu si badheedha ugula kacayso shacabka Somaliland, saamaynha dadban ee dhinaca dhaqaalaha ayaa ah iyaguna mid aan lasoo koobi karin, waxaan baadhay oo welibana aan isku taxaluujiyay inaan ogaado bil in Xukuumada dadkan iyo dalkan ka masuulka ahi ay ka hawl gashay arinkan iyo inkale waxaase ii cadaatay inaany si xoogga (serious) aanay uga hawl gelin, hadaba dadku waxay is weydiinayaan sababta xukuumadu aanay indhaha ugu haynin dhaqdhaqaaqyadan dhanka ka ah horumarka iyo qadiyada Somaliland ba,

Xarunta Cilmi Baadhista iyo falanqaynta Somaliland

Somaliland Centre for research and analysis (SOPRA)

Hargeysa, Somalialnd

Comments are closed.