Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Qorshe Ay Kenya Somaliland Ugu Soo Magacaabayso Ergay

0
1138

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadahay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, waxayna sheegtay in aanu hadda jirin Xafiis Kenya ah oo dalka laga furay, balse lagu rajo weyn nahay in la furo, oo Madaxweynaha Kenyana saxeexo.

Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xiisaha Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashada Somaliland iyo halkay marayso Siyaasadda Arrimaha Dibaddu, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay Xafiiska Kenya ay ka furayso Somaliland  “Arintaasi waa arin muddo dheer laga shaqeeynayey, waana arin fiican inaynu dalka Kenya xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii wanaajino,  oo dalkeena Xafiis ka furtaan,waana soo dhaweeynaynaa, aadna waanu uga rajo qabnaa, laakiin wali go’aan uu  Madaxweynuhu ogolaaday oo uu saxeexay maaha, soo jeedin baa loo sameeyey, Golaha Wasiiradduna hore ayey iskugu afgarteen, inuu Madaxweynuhu saxeexana waa laga rajo qabaa, nin bay magacaabeen, laakiin inuu Madaxweynuhu saxeexo weeye, Madaxweynaha ayaa ka maqnaa imika, Madaxweynuhu marka uu yimaado ayey saxeexayaan”.

Mar uu ka hadlaayey xiisaha Beesha Caalamka ee Doorashada Somaliland ayaa yidhi “Wax inoo cusub maaha inuu Caalamku xiiseeynayo Doorashooyinka oo inoo dhaca, Caalamkuna muddo inaga sugaayey inaynu Doorashooyinkeena qabsano, xaggeena ayey ka xanibnaayeen,oo ay ka xidhnaayeen,  laakiin imika waa kuwan go’aan la gaadhay, haddii xaggeena ay ka fududaato, oo la isku wada afgarto inay Doorashadu inoo dhacdo, waa sida ugu wanaagsan ee Caalamkuna inaga sugaayey”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here