Laba Dil Oo Kala Duwan Oo Shalay Ka Dhacay Deegaanada Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag

0
1183

Ceerigaabo(Geeska)-Waxa shalay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay laba dil oo  kala duwan balse u muuqda inay isku xidhiidhsanyihiin, kuwaas oo ka dhex dhacay beelaha gobalkaas wada dega.

Sida ay wararku sheegeen laba ruux ayaa ku dhintay dilalkan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux. Godcaanood oo Ceerigaabo u dhow hal qof oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Faarax Caarshe Axmed ayaa lagu dilay, dilkaas ka dibna waxa isna deegaanka Dharin-yaxe lagu dilay Marxuum Ina Cabdi Dakhare, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay hal ruux oo kale. Alle haw naxariisto labada marxuum ee geeriyooday.

Dilalkan ayaa argagax ku abuuray bulshada ku nool gobalka Sanaag, gaar ahaan galbeedka gobalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka nastay colaado beeleed oo keena dilal qorshaysan oo loo gaysto dad aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here