“Ma Muuqdaan Xukuumad Iyo Wasaarad Ganacsi Oo Xil Iska Saaraya Umadda”

0
1007

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Waddani

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa sheegay inay Xukuumadda iyo Wasaaradda Ganacsigu ay ku fashilmeen wax ka qabashada iyo xal u helida qiimaha maceeshada ee qaaliga ah, xilli uu doolarku jabay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wuxuu sharci daro ku tilmamaay go’aanka Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wasaaraddii Ganacsiga ayaa kaalinteedii ka soo bixi weyday, maxaa yeelay iyada ayaa ah Wasaaraddii Ganacsiga oo  Maceeshada iyo qiimaynteeda u qaabilsan umadda, oo ay Wasaaaraddii Ganacsiga ku tahay, marka uu doolarku jabo waa inay soo saartaa go’aan, ay amar ah oo ah waxay wax ku socon karaan, oo ah in hadba inta uu doolarku yahay wax lagu iibiyo, marka uu boqolka doolar ahaa malyanka ama malyanka iyo boqolka wixii markaas joogay, ayaa imikana la siinayaa, oo wax kastaaba halkay marayeen ayey marayaan, markaas waa inay Wasaaradda Ganacsigu maceeshadan qaaliga ah wax ka qabataa, oo halkay wax marayeen markii hore wax hoos looga dhiga, laakiin ma muuqdaan  Xukuumad iyo Wasaaradda Ganacsi oo xil iska saaraya umadda, waxna ka qabanaya maceeshada qaaliga ku ah”

Mar uu ka hadlaayey go’aanka Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ayaa yidhi“Dalku Sharci iyo Dastuur buu leeyahay, dalka Dastuurkiisuna wuxuu ogol yahay in Saddex Xisbi qaran dalka ka jiri karaan, oo Doorashooyinka saddex Xisbi gali karaan, laba Xisbi qaran baa Doorasho galayana waa hadal la iska yidhi, oo afka baarkiisa ah, wax rasmiyana maaha, Komishankuna waa Garsoorayaal, Garsoore la yidhi anigu kuma kalsooni, waa in la bedelaa, haddii aanu nahay anaga Xisbiga Waddani-na eeddo ayaanu ka tirsanayn Komishankan, Doorashooyin ay markaas noo qaban karaan ma jiraan, markaas waxa is weydiin mudan muxuu Kulmiye ugu dhegsan yahay Komishankan, ee loo bedeli la’ yahay, laakiin wuxuu ugu dhegsan yahay waa waxay u sameeyeen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here