Wasiir Duur Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Is Casilaadda Xildhibaanadii Beesha Ciise Ee Iska Casilay Saylac Iyo Lughaya

0
465

 

duuurHargeysa( Geeska )-Wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay tobankii xildhibaan ee iska casilay golayaasha deegaanka Saylac iyo Lughaya.

Wasiirka arimaha gudahu waxa uu sheegay inay xukuumadu is casilaadaas u arkaan qalad isla markaasna ay ugu baaqayaan  xildhibaanada inay is casilaadaas ka laabtaan, haddii kalena wadada sharcigu dhigaayo ay qaadayaan xukuumad ahaan. Sida oo kale waxa uu wasiirku dhaliilo u jeediyay maamul gobaleedka Puntland oo uu sheegay in aan maamulkoodu aanu wada socon, isaga oo daboolka ka qaaday in wada shaqayn dhanka amniga ah uu labada dhinac ka dhaxeeyo imikana ay u gudbinayaan qof ku eedaysan inuu lug ku lahaa Sheekhii Puntland lagu dilay iyo waliba gaadiid maamulkaas lagala soo baxsaday.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ),waraysi uu la yeeshay wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka qaranka, waxaanu ugu danbayntii wasiirku ka hadlay wada hadal ay xukuumadu la yeelanayso ururka Xaqsoor.

Ugu horayntii wasiirka oo ka hadlaaya xildhibaanada is casilay ee ka soo jeeda beesha Ciise waxa uu yidhi “ Waxa noo qabsoomay laba hawlood oo laf dhabartii hawl  galkayaga ahaa, nabad galyo ayaanu ka hawl galnay  in aan xaalada cakiran ee Saylac markaas taalay aanay shaqaaqo iyo gacan ka hadal dhalin waanu ka hawlgalnay waana wax alle lagu mahadiyaa, qodabka labaad ee aanu ka hawlgalnay waxa uu ahaa dawlad ayaynu nahay oo meesha maamul ayaa ka dhismay mid la magacaabay iyo mid la doortayba iyaguna hawshoodii si fiican ayay u gudanayaan oo dhibina ma taalo, markaas Saylac saaka nabad ayaa ka jirta  maamulkiina si fiican ayuu u shaqaynayaa markaas labadaas qodab waxyaabii Saylac nooga soo qabsoomay ee aan hore golaha guurtida uga hor cadeeyay weeyaan. Qabyo ayaa jirta rag qoonsaday hadalkaasna  waa ay jiraan, laakiin waxii jira inaan muujiyaa hada malaa qalad maaha, is qancin iyo turxaan saar beeshii cabanaysay islaamanu gaadhin oo maanu qancin, qanacuna waa shay gaar ah inay gar leeyahiin iyo inay gardaran yahiin faral maaha laakiin waxa weeye mar haddii wada hadal xaajada laga dhigo qanacu waa shay kale markaas waxbaa naga dhinaa, waxaas dhimana waxaanu ku daboolnay in la sii wada hadlo, waxaana naga go’aan ahayd in aan qala’laase meeshaas ka dhacin, laakiin wada hadalka iyo wanaagu uu sii shaqeeyo.”

Wasriika oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxa soo kordhay xildhibaanadii is casilay, xildhibaanada is casilay qanac la’aantii beesha ayay salka ku haysaa, laakiin go’aan sax ah maaha oo uma aragno xukuumad ahaan, xilka intaad hayso gudo waxaad tabanaysona adigoo xilkii haya sheeg  laakiin xilka haka tagin, waayo halkaad ka tagtay laftigaagu waad dayacday waxaad tabanaysana sidaad dal dalooladeeda u buuxinayso garo, laakiin haku daboolin qalad kale, markaas waxaanu u aragnaa is casilaadaas inay qalad tahay, waxaanu siin doonaa waqti heer gobal yay maraysaa intaanay na soo gaadhin bal in garashadii soo noqto, go’aanku waa qalade xildhibaanaw dib isugu noqda ayaanu leenahay, hadii la waayo oo wakhtiga aanu siinay uu wax saxi waayo  oo la diido sharciga ayaa loo raacayaa.”

Wasiir Duur oo eedaymo u jeedinaaya maamul gobaleedka Puntland waxa uu yidhi  “ Halkaas waxa iiga muuqata wada socod la’aan aanay hay’adahooda dawliga ah aanay wada socon oo aanay isku xidhnayn, markaas talo xumaanta iyo tafaraaruqa dhankooda ka muuqata inay dhinaceena u soo riixaan maaha, waxaanan taas ku cadaynayaa waxaanu ka wada soconay oo aanu ka wada xidhiidhaynay xubnaha u qaabilsan amniga inaan waxii amniga ah ka wada shaqayno, lana dagaalano wax kasta oo qas iyo qalalaase abuuraya labada dhinacba. Darsi baynu nahay oo sida aynu dunida kaleba aynu nabada uga wada shaqayno ayaanu iyagana uga wada shaqaynaynay, maraas wada socod ah inaan warbaahinta layska dhaleecayn ayaanu  ku wada shaqaynaynay, tusaale ayaan u soo qaadaya waxaanu halkan ku qabanay xubin muhiim ah oo dilkii Sheekh Cabdiqaadir gacan weyn ka gaysatay  ama raad weyn ku lahayd ayaanu qabanay oo ka soo jeeda deegaankaas ( Puntland ) waxaan isla garnay in loo cesho deegaanku dilka ka gaystay oo ah Garooowe, sida oo kale waxa aanu ka wada shaqaynaynay gaadiid xageena aanu ugu qabnay oo lagala soo baxsaday iyana waxaanu go’aansanay inaan u celino, iyada oo xidhiidhkaasu uu jiro ayuu nin aan war ahayn oo ah wasiirka war faafintu uu warbaahinta ka sii daayay hadalo dhaleecayn iyo qas ah oo aan jirin sal iyo raad toona lahayn isaga oo aan xogagaal  u ahayn waxii jiray.”

Ugu danbayntii wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), waxa uu ka hadlay wada hadalo xukuumadu ay la leedahay Xaqsoor, waxaanu arintaas ku sifeeyay inay daboolayaan daldalooladii ay ka tagtay doorashadii deegaanka waxaanu isaga oo arimhaas ka hadlaaya uu yidhi “ Haddii wasiir ka hawlgalay iyo hadii wadar wasiiro ah ay ka hawlgashayba waa siyaasad aanu cid walba kula shaqaynayno waxaanu daboolaynaa dhamaan dhaawacii iyo furfurkii ay doorashadii inagaga tagtay si midnimadii qarankana aynu dib ugu dhisno, markaas Xaqsoor iyo cida kaleba waanu soo dhawaynaynaa waanan dhiiri galinaynaa wasiirada u tagayna sax ayay ku yahiin waana talo mid ah oo waanu wada leenahay ama qof haqabto ama laba qofiye.”