Dawladda Somaliya Oo Aqoonsigii Maraykanku Siiyay Uga Faa’iidaysatay Dagaal Ay Ku Qaaday Dambigii Xasuuq Ee Cali Samatar Lagu Helay

0
3885

 

Picture3Washington (Geeska/AP)-Xukuumada Soomaaliya ayaa ka dalbatay wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka, inay xasaanad diblomaasiyadeed siiyaan raysal-wasaarahii hore Mr. Cali Samatar, oo maxkamad Maraykan ahi ku heshay xad-gudubyo xuqaaqal-insaanka ah, ka dib mark ii ay muwaadiniin reer Somaliland ahi dacwad ku oogeen.

Warqad raysal-wasaaraha Soomaliya, Cabdi Farax Shirdoon uu u qoray wasaaradda khaarajiga Maraykanka, ayuu ku codsaday inay xasaanad diblomaasiyadeed siiyaan Maxamed Cali Samatar, oo xilligan ku nool Fairfax, laakiin ka ahaa masuul sare rajiimkii Siyaad Barre, sannadihii 1980-90-kii. Mr. Shirdoon, ayaa u muuqda inuu ka faa’iidaysanayo aqoonsiga ay dawladda Maraykanku dhawaan siisay dawladda Somaliya.

Sannadkii hore, garsoore magaalada Alexandria ayaa ugu xukumay toddoba qof oo reer Somaliland ah magdhow gaadhaya $21 million, Cali Samatar, ka dib ay ku cadaatay inuu amray  olole lagu jidh-dilay, muwaadiniin reer Somaliland ah iyo weliba magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo dhulka lala simay. Wakhtiga uu amarka bixiyay wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhiga iyo sidoo kale madaxweyne xigeen.

Garyaqaanka Samatar, Joseph Peter Drennan, ayaa soo dhaweeyay qoraalka dawladda Somaliya, waxaanu sheegay inuu filayo qiimaynta Maraykanka ee codsiga Soomaliya, isla markaana tuuri doonto kiiska. Maxkamada racfaanka ayaa diiday racfaan uu Samatar u qortay sannadkii hore, laakiin, Drennan ayaa sheegay Jimcahii inuu codsi u gudbin doono maxkamada sare isniinta. "Waxaan si weyn u filaynaa in Maraykanku xushmayn doono codsiga xasaanadda,” ayuu yidhi. "Hadii kale waxay u muuqan doontaa sharaf daro ku dhacda xukuumada Soomaliya.”

Afhayeenka, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su’aashaa jimcahii.

Kathy Roberts, qareen ka tirsan xarunta Cadaalada iyo daba-galka San Francisco, ayaa sheegtay in codsiga xasaanada Soomaaliya ee Samatar la yaab tahay. “Ka aqbalaada xasaanad kuwii dembiyadda dagaalka galay waa bilowga niyad-jab.” Ayey tidhi. “Codsiga Raysal-wasaaraha ee xasaanad siinta Samatar waxay gaadhay Arrimaha Dibedda. Haddii wasaaradu aqbasho xushmaynteeda, waxay ku xidhnaan doonta maxkamada inay tuurto kiiska.”

Talaabadan ayaa muujinaysa halka ay taagantahay cadaawadda Somaliya ee ku waajahan umadda reer Somaliland, waxaana cad inaanay weli reer Somaliya garowsan xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland.