Haweenaydii Ku Jirtay Golaha Guurtida Oo Is Casishay

0
477

 

Picture2Hargerysa( Geeska )-Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ahayd xildhibaanada kaliya ee golaha guurtida kaga jirtay haweenka, ayaa iska casishay xilkaas, waxaanay is casilaadeeda ku sababaysay inay ku kaliyaysatay golaha guurtida oo ay wayday bidhaantii dumarka.

Xildhibaan Faadumo ayaa  shalay is casilaadeedan u soo gudbisay golaha guurtida waxaana fadhigan golaha ku sugnaa 47 mudane oo 45 ka mid ah ay aqbaleen is casilaada xildhibaanada, halka laba ka mid ahina ka aamuseen.

Intaas ka dib xildhibaan  Faadumo Jaamac Ileeye oo warbaahintu ay wax ka waydiisay is casilaadeeda ayaa sidan ku jawaabtay“ Meeshii afar sanadood ayaan kali ku ahay kalinimadii ayaa iga soo dhacday, meel loo soo gudbi karana uma eega waxaanay ila noqotay maadama oo aan aniguna kaligay ahay inaan booskii baneeyo,Waxaan waayey bidhaantii dumarka.” xildhibaanada oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi  “ Markii aan golaha ku soo biirayay Waan ogaa in dumar iga horeeyay aanay jirin laakiin waxaan is lahaa halagugu soo daba faylo markaas faylkiibaan waayay. kursigana waxa uu noqon kari waayay kursi ay dumarku fadhiyi karayaan waayo waa kii odayaasha, golahana waxaan mahad ahayn ka sheegayn maayo.”

Xildhibaan Faadumo ayaa golaha guurtida ku biirtay ka dib markii uu Alle haw naxariiste odaygeedii oo golaha ka tirsanaa uu ka geeriyooday weeraradii argagixiso ee Hargeysa ka dhacay 29 Oktoobar, 2008.