Wasiir Duur Iyo Taliye Fadal Oo Shalay Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Lagu Qaadya Hubaal

1
628

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa si cad u sheegay inay meel adag iska taagayaan weerarkii lagu qaaday wargeyska Hubaal, waxaanu falkaas ku tilmaamay fal aad u fool xun oo baal marsan dhaqanka iyo nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Waxa uu wasiirku sheegay inay ka balameen ciidanka booliska baadhitaanka dhacdadaas, waxaanu mucaaradka ugu baaqay inay arinkaas iska ilaaliyaan inay cid gaar ah ku xajiimeeyaan, loona daayo eedaysanaha halka uu la galo falkani.

Sida oo kale taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay warbixintii koowaad ee eedaysanahaas  ay u gudbiyeen xeer ilaanta iyo maxkamada ayna ku daba jiraan soo qabshada ninkii falkaas kula eedaysnaa ninka la hayo.

Waxa wasiirka arimaha gudaha Duur iyo Taliye fadalba ay sidan ka sheegeen fadhi su’aalo ay ku waydiinayeen mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland.

Ugu horayntii xildhibaan Baar Siciid Faarax oo masuulyiintan amniga waydiisay dhacdadaas wargeyska lagu weeraray inay faah faahin ka bixyaan ayaa ugu horayntii waxa arinka ka hadlay taliya Cabdilaahi Fadal waxaana hadaladiisa ka mid ah “ Dhacdadii lagu weeraray wargeyska Hubaal  waxa falkaas lagu eedaynayaa laba eedaysane oo mid la hayo midna maqan yahay, eedaysanaha la hayaa waa xubin ka tirsan ciidanka booliska Somaliland waana fal isaga u gaar ah oo uu galay isagu, baadhista kiiskaasuna meel fiican ayay maraysaa, warkii ugu horeeyay maxkamada iyo xeer ilaalinta waanu gaadhsiinay isagana si dagdag ah ayaa maxkamada loo hor gaynayaa, kii kalena waxaanu ku jirnaa aqoonsigiisii iyo baadi goobkiisii.”

Intaas ka dib waxa isaguna dhankiisa arinka si adag uga hadlay wasiirka arimaha gudaha Duur, waxaanu dalkiisa ku bilaabay sidan  “ Waxaan ku kabayaa arinka ka dhacay wargeyska Hubaal falka halkaas ka dhacay waa fal aad u fool xun nidaamka dawladeed iyo dhaqankeena soo jireenka ahba waa uu baal marsan yahay, inkasta oo uu eedaysanahani yahay xubin ciidanka booliska katirsan hadana ma saamaxayso oo loogu ogalaanmaayo gafkaas inuu kiiskii boolisnimo lagu taageero taasi meesha ma taalo waliba  waxa uu leeyahay culayskiisa lagu culaysinaayo. qofka booliska ah waa uu qaldami karaa sida uu qof shacab ah u qaldami karo laakiin qaladkiisu waa uu ka cuslaanayaa ka qofka shacabka ah, markaas arinkaas booliska waxaanu ka balanay inuu arinka sida uu yahay u baadho sida uu yahayna sharciga loo horgeeyo, maaha arin aanu dabcinayno waa arin aanu aad ugu xunahay waxa halkaas ka dhacay waa arin aanu doonayno inaanu ka gun gaadhno oo waxii keenay la gaadho.”

Wasiir Duur isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Waxaan halkan uga digayaa masuuliyiinta canbaaraynaaya qof weyn oo masuul ah danbigan qofbuu ku eegyahay waana la hayaa qofkii inay xubini baxsatayna waa la sheegay waana la baadhayaa in la xajiimeeyo qof masuul ah sida taliyaha booliskana ama cid kelena waa xaaraan qofkan ayaa la hayaa cidii uu la galo ha cadaato, laakiin qofka masuulka ah yaanu ku ribayn oo aanu idaacadaha ka odhan hebel iyo hebel ayaa kula jira, hebel iyo hebel ilaa hada cad ma jiraan kiiskanina qof ayuu yaalaa qofkiibaa sharciga la horgaynayaa isagu ha gudbiyo oo cidii kale ee uu ula galaayo hawla galo,laakiin ayaan lagu xajiimayn oo aan la marmarin masuuliyiin kale oo ka bari ah, taasna waanu ka digaynaa, tuna waanu baadhyanaa oo meel adag ayaanu ka taagnahay sida uu yahayna waanu u galaynaa.”

Comments are closed.