Mudanayaasha Wakiilada Oo Shalay Su’aalo Weydiiyay Madaxda Hay’adaha Amaanka

0
4064

Picture1Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Taliyaha Booliska guud ee booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan, oo shalay hor tagay Golaha Wakiilada, ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo badan oo xildhibaanadu ka waydiiyeen xaalada dalka.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa waxa uu ka hadlay diwaangalin Madani ah oo dalka laga samaynayo, fulin la’aanta go’aamada ka soo baxa Maxkamaddaha dalka, siiba kuwa dhulka, mushaakilaadka ka taagan kala xadayn la’aanta Gobolada cusub ee dalka iyo arimo kale oo muhiim ah, kuwaasi oo dhammaantood xildhibaanada Golaha Wakiiladu waydiiyeen.

Wasiirka arimaha gudaha Mudane Duur, oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal la xidhiidha diwaangalinta madaniga ah ee uu waydiiyey xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa yidhi “Sharcibaa na siiyay inaan diiwaangalino dadweynaha, waxaanay ku qorantahay xeerkii jinsiyadaha, waana shaqooyinka wasaarada arimaha gudaha la iskumana haysto, diiwaangalinta codbiyayaashana ka jawaabi maayo, waayo ma lihi oo wasaaradani shaqo kuma laha, waxaana sharcigu awood u siisay gudida doorashooyinka qaranka, waxaanan leeyahay masuuliyad qarankan ka maqnayd oo ah in muwaadiniinta la diiwaangaliyo inaan isku daynaa canbaarayn maaha ee waxay ahayd in la isku kaayo garab-taago, waanu isku dayaynaa waa hawl balaadhan kharash aad u badana waa ay rabtaa, aqoon balaadhana waa ay rabtaa, taagteeda ma lihin laakiin waa in niyadii aanu ku qaban lahayn ay xagayaga ka timaadaa, wasaarada arimaha gudahuna waxa ay la timid niyadii ay hawshaas ku qaban lahayd, xeer golaha wali maanaan keenin, xeerkana waxaanu ka horaysiinaynaa  marka hore la sameeyo tijaabo oo xeerku danbeeyo, xeerku haduu qalooc ku jiro iyo haddii uu qalad ku jiraba xeer aan golahiinan soo marin ma soconayo”

Wasiirka daakhiliga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aal la xidhiidha fulin la’aanta go’aamada ka soo baxa Maxkamaddaha, siiba kuwa dhulka, taasi oo uu waydiiyey xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shebeel, waxaanu wasiirku yidhi  “Fulinaha (Fulinnaha Go’aamada ka soo baxa Maxkamaddaha) Maxkamaddaha muddo badan ayaan la fulin, markaas waxa jirta fulin badan oo taagan ilaa xukuumaddii hore ilaa hada, waxa la bilaabay wakhtigii wasiirkii iga horeeyay ilaa laba ama saddex fulinood, laakiin labadaba Geeri, dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay, fulintii waxay noqotay dagaal, in la fuliyaana waa waajib, sidaa daraadeed waxaanu door bidnay in aan dagaaalda kala duno, doorashadii dhawayd culaysbay ahayd waxaanan go’aansanay inaan doorashada daba marino si aanay qas kale inoogu keenin oo wakhti ay dagan tahay aanu ku beegno iyada oo fulinaha aanu kala shaandhayn doono, kana horaysiin siin doono digniin qof kasta loo diro, shirarkii-baanu ku jirnaa waanan ku dhaqaaqaynaa, dadkana waxaan uga digaynaa in aanay ku dhiman meel laga xukumay”

Wasiir Duur, waxa kale oo uu si kooban faa’idada laga dhaxlay isku badalka badhasaabada Gbolada dalka “Isku badalkii badhasaabadii  Gobolladu wax badan-bay  tartay  oo waxa  meesha ka baxay is eegadkii beelaha Gobollada wada degga, laba Gobol ayuunbaan la isku badalin, sababtuna waxay ahayd in Magacaabistooda hore markaa cusbayd, laakiin in iyaddana la is deba mariyo taladayadii hore way ahayd, waanuna isku bedali doonaa, sidoo kalena waxa la isku badalay Taliyayaasha qaybaha ee booliska” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya gobolada cusub ee dalka oo aan ilaa hadda sharciyeysnayn marka laga reebo dgreetadadii lagu Magacaabay  “Sharciyadda wasaarada Arimaha Guduhu ku shaqeysaa waa lix Gobol oo sharci ah oo nidaam leh, waxa jira toddoba gobol oo aan xadaysnayn oo la Magacaabay oo ku sharciyoobay digreeto Madaxwayne, maadaama oo aanay ku xadaysnayn doorashadeena iyo qorshayaasha Maamul oo dhan waxay ku socdaan lixdaa Gobol, markaa xadaynta iyo go’aanka toddobadaa maamul laga qaadanayo iyo hoos u eegeeda degmooyinka, maaha in Wasaaradu curiso, laakiin waa wax u baahan talo qaran in lagaga gudbo, waana culays weyn, oo maanta Magac kasta oo deegaan ama Gobol la siiyay wuxuu yeelanayaa dhibtiisa, markaa marka Goboladaa laga taliyo, ayaa xuduudahana .la eegi karayaa”

Dhanka kale, Taliyaha booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan, oo xildhibaanada Golaha Wakiiladu waydiiyeen su’aalo ku saabsan dhibaatada tuugto ku hayso xaafadaha caasimada iyo weliba mushaakilaadka ay amaanka ku hayaan dhalinyarada koox kooxda u dagaalanta iyo sidoo kale dhalinyarada xaafadaha habeenkii ilaaliya, ayaa ku jawaabay “Dhalinyaradaasi xaafadaha ilaalisa waax kasta waxay u diwaangashan yihiin saldhiga booliska ee (Waaxdooda ku yaala), imikana waxaanu ku jirnaa kala shaandheyntooda, cidda la aaminayo iyo ciddii aan la aaminayn” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Hawlgallo ciidanka boolisku sameeyeen bishii March iyo horaantii April waxay ku soo qabteen 172 dhalinyaro ah (Dhalinyarada koox kooxda u dagaalama), kuwii dhibaato geysta ee dhgaawaca ama khasaare geysta si toos ah ayaa kiiskaasi Maxkamadda loogu horgeeyaa, kuwa kalena waxa lagu qaadaa xeerka anshaxa”

Taliyaha booliska Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Bishan oo kaliya waxay ciidanka boolisku qabteen 82 tuug oo xabsiyada kala duwan ee dalka aanu u gudbinay, kuwaasi oo qaarna yihiin xukun sugayaal, qaarna uu xukun ku dhacay” ayuu yidhi.