Is Barbardhiga Saddex Safar Oo Ay Cigaal, Rayale Iyo Siilanyo Ku Tageen Maraykanka Iyo Sawirka Laga Dheehan Karo Wufuudooda

2
4069

http://sphotos-h.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-prn1/37017_10151548154223559_710315801_n.jpg

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu Axadii doraad soo gunaanaday socdaalkii uu ku tagay dalka Maraykanka, waxaanu soo gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo la filayo inuu uga soo gudbo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Safarkan uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Maraykanka, mid la mid ah ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, isna ku tagay isla dalkan bishii January ee sannadkii 2008. Sidoo kale Madaxweynihii geeriyooday Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, ayaa isna sannadkii 1999 safar noocan oo kale ah ku tagay Maraykanka.

Saddexda madaxweynaba, waxa ay u socdeen sidii ay dalkan ay hoggaaminayaan ee Somaliland, Maraykanka ugaga heli lahaayeen taageero diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale. Hase yeeshe waxa jira qodob ay saddexda safar ku kala duwanyihiin oo soo shaac baxay kaas oo ah miisaanka weftiga uu mid waliba hoggaaminayay, gaar ahaan marka laga eego dhinaca beelaha Somaliland.

Tusaale ahaan, waxa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo safarkiisan ku wehelinaya shan wasiir oo kala ah:

1.  Wasirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar

2. Wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cail Xaaji Xasan

3. Wasiirka qorshaynta        Sacad Cali Shire

4. Wasiirul dawlaha maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Cadaani

5. Wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale

Sida muuqatana marka masuuliyiintan laga eego dhinaca beelaha Somaliland, waxa ay ka soo wada jeedaan Beelaha Dhexe oo iyagu wakhtigan haya talada dalka, waxaana haba yaraate aan weftiga ka dhex muuqan beelaha kale ee Somaliland gaar ahaan Beelaha darafyada. Kulankii uu Madaxweyne Siilaanyo uu toddobaadkii hore ka qayb galay ee ka dhacay xarunta Atlantic Council, waxa dhinaciisa midig fadhiyay Wasiirkiisa khaarajiga Maxamed Cabdillaahi Cumar oo su’aalaha kala jawaabayay, waxa iyaguna la wadaagayay ka jawaabista su’aalaha dhammaan wasiiradan kale ee la socday. Waxa xusid mudan in mid ka mid ah dadka Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda ee kulankaas ka qayb galay uu Madaxweyne Siilaanyo kula dooday inuu hoggaaminayo wefti ka kooban beelaha dhexe oo keliya, taas oo noqotay su’aal sida waranka u xanuun badan. 

Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxa isna safarkiisa ku wehelinayay wasiirkiisii arrimaha dibadda Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ka soo jeeday gobalka Sool iyo wasiirkiisii madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Markii uu Marxuum Cigaal kulanka la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, waxa dhinaciisa midig fadhiyay oo su’aalaha kala jawaabayay Marxuum Maxamuud Saalax Fagadhe, waxaana xusid mudan in wakhtigaas qaar ka mid ah jaaliyadii Maraykanka oo ay qiiro ka muuqatay ay Madaxweyne Cigaal ku canaanteen sababta uu u kaxaysan waayay wasiirada ka soo jeeday Beelaha dhexe, waxaanu marxuum Cigala ugu jawaab celiyay inuu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Weftigii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wakhtigaas hoggaaminayay waxa ay iyaguna kala ahaayeen:

Wasiirkii arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale

Wasiirkii Cadaaladda Axmed Cali Casoowe

Wasiirkii Caafimaadka Cabdi Haybe

Wasiir ku xigeenkii qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi

Kulankii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, la yeeshay jaaliyadda Somaliland waxa dhinaciisa bidix iyo midig ka fadhiistay wasiirkiisii arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo la wadaagayay jawaabaha su’aalaha la weydiiyay, kaas oo ka soo jeeday Beelaha dhexe.

Si kastaba ha ahaate waxa halkaas ka cad in safarkan uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Maraykanka uu ka duwanaaday labadii safar ee ay labadii madaxweyne ee ka horeeyay ku tageen dalka Maraykanka. Waxaanay dad badani isweydiinayaan sababta uu weftigiisa ugu dari waayay wasiiro ka soo jeeda beelaha darafyada, iyadoo weliba laga warqabay suurtogalnimada in taageerayasha kooxda khaatumo ay isku dayaan inay kharbudaan safarka Madaxweynaha. Taas oo baahida loo qabaa ay soo baxday markii dad ku andacoonaya in ay ka tirsan yihiin khaatumo ay madaxweynaha weydiiyeen su’aalo aanu wadan ciddii ka jawaabidooda ku habboonayd.

Si kastaba ha ahaato ee socdaalka madaxweyne Siilaanyo waxaa ka muuqata galdalooloyin ay ugu weyn tahay in aan si fiican loo soo xulin wasiirrada safarkiisa ku wehelinaya isla markaana aan laga sii tabaabushaysan su’aalaha ka hor iman kara marka ay dadka la kulmayaan. Ugu dambayntiina safarkan waxa ku jira hal dersi oo ay tahay in ay ku wax qaadato xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kaas oo ah in sawirka ugu quruxda badan ee jamhuuriyaddu soo baxayo marka ay ka wada dhex muuqdaan beelaha dalku.

Comments are closed.