Wasiir Duulista Oo Ku Guulaystey Dib U Furka Madaarka Berbera W.Q Cabdillaahi Caarshe

0
632

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Jamhuuriyada Somaliland Mr. Farxaan Adam Haybe, ayaa u guntadey dib u furka madaarka caalamiga ah ee Berbera oo in muddo ah xidhna, iyada oo duulimaadyo aanay ka degin tan iyo markii la dib loo furay madaarka Igal International Airport.

1

Dhowaan ayaa la filayaa in ay duulimaadyo ka bilowdo madaarka Berbera Shirkada Jabouti Air, taasoo wadada u xaadhaysa in duulimaadyo kale ama shirkadaha diyaaradaha ee kalena ay ka bilaabaan duulimaadyo cusub.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Mr. Farxaan Adam Haybe, ayaa ku hawlan dardar gelinta hawlaha shaqo ee madaarada Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Duulista, hawleheeda, si horuumar mugleh uu wasiirku ugu hirgeliyi madaarada dalka oo dhan.

Tan iyo markii ay timid xukuumadda KULMIYE, sanadkii 2010-kii, waxay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo horuumar weyn ka samaysay dhinaca madaarada dalka, gaar ahaana labada madaar ee ugu waaweyn Igal International Airport iyo Berbera airport.

Dowlada kuwayd ayaa Somaliland ugu deeqday lacag dhan 10 milyan doolar, taasoo lagu maalgeliyey madaarada Igal International Airpor iyo Berbera Airport, kuwaasoo uu ka muuqdo horuumar wayn oo leh dhinaca dhisamayaasha, maamul wanaaga iyo hirgelinta ammaanka madaarada Somaliland oo ah mid heer sare ah oo lagu wada kalsoon yahay.

Sida aynu wada ognahay madaxweyne Somaliland wuxuu wasaarada Duulista u soo magcaabay Wasiir Farxaan Adam Haybe, oo shaqsi dhalinyaro ah kaas oo ku sifoobay shaqo wanaag, karti, aqoon  iyo daacadnimo, taasoo ay dirba ka muuqatay maamul wanaagiisu wasaarada Duulista Hawada, waana wasiir ku fekeraya in madaarada Somaliland uu gaadhsiiyo meel fog, kuna hamiyaya hirgelinta mashaariic horuumarineed, taasoo kor loogu qaadaya tayada iyo adeegayada madaarada Somaliland.

Wasiir Farxaan oo ah shaqsi leh aqoon maamul oo heer sare ayaa waxaa si weyn ugu faraxsan hab-maamulkiisa dhamaan shaqaalaha wasaarada Duulista Hawada iyo shaqaalaha ka howl gala madaarada dalka oo dhan, waana wasiir leh himilooyin waxqabad oo ka turjumaya aragtida iyo dedaalka xukuumadda madaxweyne Sillaanyo.

Waxaan u rajaynayaa wasiir dhamaan in ay u rumoobaan aragtidiisa fiican ee ku dhisayo madaarada Somaliland.

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa somaliland