“ILAAHAY Wuxuu U Cadhoodaa Ninka Qaf-Qafta Badan Ee Xoog Wax Ku Doonka Ah..” Sheekh Aadan-Siiro

0
608

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Shalay ka hadlay Hab-dhaqankii Nebiyullaahi Muxamed (CSW) iyo sida ay muhiimka u tahay inay ku daydaan Dadka Doonaya inay Ummadooda hoggaamiyaan.

1

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddii Jimcaha ee Shalay isku-barbar-dhigay Hab-dhaqankiisa Nebiga ee Wanaagsanaa iyo sida ay u dhaqmaan Madaxda Dalka ee Dadka ay hoggaamiyaan iska sareysiiya dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Kuwa Bakhtiyaya ee Tamaandhada iibinaya ee Agoonta ah, kuwa Maanta talada inoo hayaa waxay ku hor-maraan dhowr iyo Siddeetan Laan-guruusal oo min 180KM ku socda oo boodhkooda Islaamaha iska daayoo xitaa kuwa Guryaha ku jiraa Xanuun ka qaadayaan, halka Nebigeennu uu Saxaabadiisii ku leeyahay Xaabadii baa hadhay oo aan soo gurayaa.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu hab-dhaqankaasi barbar-dhigay dhaqankii Nebigeenna Muxamed (CSW), “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi waan ogahay inaad igaga filan tihiin inaad Raashinka inoo karisaan, laakiin waxaan karaahiyeysanayaa inaan idinka dhex muuqdo oo aanu wax gaar ah helo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “ILAAHAYNA wuu karaahiyeystaa Hoggaannadiisa Ambiyada ah iyo Dadkiisa wanaagsan ee Dadka Hoggaaminaya inay ka dhex baxsan oo ka dhex muuqda Dadka ay hoggaaminayaan.”

Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “Afar Xadiis baan u sheegayaa kuwa doonaya inay Taladooda qabtaan Afar iyo Milyan Badhkaa (Somaliland) ee leeleelay ee Albaab walba laga soo xidhay ee Gaal iyo Islaamka loo heshiiyey. ILAAHAY wuxuu u cadhoodaa Ninka Qaf-qafta badan ee Xoog wax ku doonka ah ee Eraygiisu aanu toosnayn, Jannada iyo Cadaabta ayaa wada-hadlay, Cadaabtu waxay tidhi waxaan meel u hayaan kuwa Dadka iska sareysiiya ee yidhaahda anigaa wax ahaan jiray iyo Anigaa wax noqon doona.”