Wasiir Cali Xaamud Jibriil Oo Wadanka Ku Soo Noqday

0
471

cali xaamudHargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka ku soo laabtay wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil oo muddo safar ugu maqnaa wadanka Ingiriiska, waxaana ka hortay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Dr. Maxamed Cali Aadan iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddaas. Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo saxaafadda la hadlay ayaa u mahadceliyay dadka kala duwan ee soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in safarkiisu isugu jiray mid shaqo iyo mid u gaar ah, isagoo wasiirku mudadii uu safarka ku maqnaa kulamo la soo yeeshay jaaliyadda Somaliland, islamarkaana ka qayb galay shirar kala duwan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay soo dhaweeyaan wasiirka safarka ku maqnaa.