Golaha Wakiilada Oo Laalay Lacag Sharci Darro Ah Oo Laga Qaado Baabuurta Soo Degaysa

0
525

???????????????????????????????Hargeysa(Geeska):-Mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si aqlabiyad ah oo ay ku midaysan yihiin mucaarad iyo muxaafad-ba ay ku laa’lay lacago dheeri ah oo dhawaan lagu soo rogay gaadiidka cusub ee ka soo degaya dekada magaalada Barbera.  Mudanayaasha golaha wakiilada ee muxaafidka iyo mucaaradka ayaa mawqif isku mid ah ku waajahay qorshahan kuna laalay iyagoon eegayn kala fogaanshahooda siyaasadeed.

Fadhigii shalay ay yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha aqalka golahaasi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), kana soo xaadireen 59 mudane ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi mooshinka ay mudanayaashu soo gudbiyeen golaha ka hor akhriyey xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaana uu yidhi:   “Markaanu aragnay sixir bararka iyo dhaqaalo xumada ku habsatay shacabkeena dan yarta ah. Markaanu aragnay lacagta gaadiidka lagu soo rogay in ay tahay takaaliif aan soo marin golaha wakiilada, waxaanu gole weynaha u soo jeedinaynaa in la’ laalo tagaaliiftaas sharci darrada ah ee gaadiidka la saaray.”.

Intaa ka dib waxaa ay mudanayaashu u guda-galeen cod u qaadista mooshinka lagu laa’layo lacagaha lagu soo rogay gaadiidka ka soo dagayey dekada magaalada Barbera oo dhamaa 80 dollar oo lacag ah. waxaana fadhigan oo ay ka soo xaadireen 59 mudane, ay 39 mudane u codeeyeen in ay ogalaadeen mooshinka lagu laa’layo lacagaha laga qaado gaadiidka, halka 10 mudane-na ay diideen, cid ka aamustayna aanay jirin. Sida oo kalena guddoomiyahuna aanu codayn. Waxaana sidaas ku meel maray go’aanka lagu laa’lay lacagahaasi lagu soo rogay gaadiidka ka soo dega dekada magaalada Barbera.

Fadhiga shalay ee wakiilada oo ay ka soo xaadireen 59 Mudane, 39 Mudane ayaa Ogolaaday in la laalo Lacagtaasi 80-ka Dollar ah, halka 10 Mudane diiday, cid ka aamustayna aanay jirin, gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu ku meel maray go’aanka lagu laalay cashuurtaasi.

Ganacsatada lacagtan cabashada ka muujisay oo iyaguna ku sugnaa xarunta aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa dhankooda waxaa ay iyaguna ka hadleen dareenkooda ku aadan laalista cashuurtaasi.

"Waxa weeye aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa xildhibaanada aqalka golaha wakiilada, waxa weeye waxaasi sharci darro ayey ahayd, umadda reer Somaliland iyo baarlamaankubana waa ay mahadsan yihiin ee arrintaas nala qaatay, waana aanu soo dhawaynaynaa hambalyo ayaa aanu leenahay, sharcigii xaaraanta ahaana maanta ayaa la inaga qaaday.".

Ganacsatada gaadiidka soo dejisa ayaa maal mahii ugu danbeeyey olole balaadhan ku waday sidii lacagtaasi looga dhaafi lahaa, kadib markii xukumaddu ruqsad u siisay shirkad xafiis ka furatay Berbera oo lagu sheegay inay ilaalinayso tayada gaadiidka islamarkaana gaadhigii kasta ee soo dega ka qaadaysa lacag dhan 80 Dollar.

Ganacsatada ayaa Lacagta ku tilmaantay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo looguna samaynayo Mashruuc ay lacag ku gurtaan, balse wasiirka hawlaha guud Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa hore ugu dooday inay tahay lacag ay wasaaraddiisu jidaysay oo lagu dhawrayo tayada gaadiidka dalka soo galaya.

Go’aankan ka soo baxay aqalka Wakiilada ayaa ka mid noqonaya go’aamada faro ku tiriska ah ee golahu ugu daneeyo bulshada iyaga oo aan u kala qayb samin mucaarad iyo muxaaad toona.