Golaha Wakiilada Oo Hakiyay Wasiirka Wershadaha Oo Maayarka Gabiley Ahaa

0
527

shucayHargeysa(Geeska):-Mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa shalay hakiyey ansixinta wasiirka cusub ee wasaarada warshadaha Md.Shucayb Maxamed Muuse, halka si daran doori ahna ay u ansixiyeen dhawr iyo toban isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno, wasiirul dawlayaal, guddoomiyaha baanka Somaliland oo dhamaantood uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay xilalkaasi, waxaana ay ku sababeeyeen ha’kinta wasiirkan in aanu buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay da’da qofka wasiir ka noqonaya dawlada, iyo sida oo kale in aanu wax kulan ah la yeelan gudi hoosaadka khayraadka aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha gudida khayraadka ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani), ayaa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu faah faahin ka bixiyey sababaha keenay in ay ha’kiyaan ansixinta wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland Md.Shucayb Axmed Diiriye. "Wasiirka gole weynahu mauusan diidin, gudida khayraadka ayaa uun Maanta(shalay) ka reebtay liiskii la ansixinaayey, Sideed wasiir ayaa gacan tayada ku jiray, waxa weeye laba qodob ayaa muhiim ahaa, marka hore waxay ahayd in uu gudida horyimaado oo ay waraysi la yeelato, ta' labaad-na waxay ahayd in loo eego shuruudahii laga rabay, mana uu buuxin shuruudihii laga rabay. Marka gudigana lamuu kulmin oo waa uu iska maqnaa, taasina waxaa ay noqotay qodob, qodobka kalena waxaa uu noqday mid ka mid ah shuruudihii uu dastuurku sheegayey ayaa iyadana aanu buuxin tusaale ahaan da'da oo kale oo dastuurku waxaa uu sheegayaa in uu aanu illaa 35 jir ka yaraan ,marka shuruudahaas ayaa lagu hakiyey, markii la eegayna da'dii ayaa uu buuxin waayey, markii uu noo yimina laba arrimood ayaa aanu u sheegnay oo waxaanu nidhi dee markii hore in ay gudidu ku waraysato ayaa ay ahayd oo noomaad iman sababtaas ayaana liiska laguugu dari waayey, ta labaad waxa weeyaan da'da kuu qoran marka aanu eegnay dastuurka ayaa ay ka hor imanaysaa, waxaana uu noo sheegay in inankii Cv-ga u qorayey uu da'diisa qalday sidaasna aanay ahayn uuna keeni doono koobiga baasaboorkiisii,Walina maanan celin gudida ayaa uu horyaala, gudida ayaan marka ay isu soo noqoto waxii ay noqoto dib u sheegayna warqadana qorayna.".Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani).

Wasiirkan ayaa hore u ahaa maayarka Gabiley, waxaanu bedelay wasiirkii hore ee wershadaha iska casilay Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad).