Wasiir Cadami Oo Si Adag Uga Hadlay Doodda Cali Khaliif Ee Ah Inuu Doonayo Inuu Ka Qayb Galo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

1
770

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya, waxaanu sheegay in wada hadalaadasi muhiim yihiin.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji  Cali Cadami oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee diidan madaxbanaanida  Somaliland ee ku sugan Xamar, waxaanu sheegay in Siyaasiyiintaasi ay qaateen fikir aan haboonayn oo aan iyaga dan u ahayn, waxaanu sidoo kale ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh oo ee ahaa in laga qeyb galiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji  Cali Cadami ayaa yidhi  “Somaliland markii hore kamay mid ahayn Somaliya, ee wey la midoowday, fikirka ah inay la la isku biiro, waxa keenay Somaliland, markii xoriyada aynu ka qaadanay Ingiriiska, iyana ay Talyaaniga ay ka xoreebeen, ayaa iyada oo Somaliland raadinaysa Shantii Somalida, ay iyadu markiiba ku dhiiratay midnimada, balse cadaadiis iyo dhibaato aad u badan, kadib ayey Somaliland mar kale xoriyadeedii dib ula soo noqotay”.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Somaliland iyo Somalia dhawr jeer ayey wada hadleen, oo wada hadalkii u dambeeyey waxa uu ka dhacay Jabuuti, waxayna Somaliland iyo Somaliya u wada hadllayaan sidii laba dawladdood, run ahaana Somaliland waa dawlad wax walba qabsatay, oo iyada oo aan aqoonsi ka helin beesha Caalamka haddana shuruud walba oo dawladdi leedahay buuxisay, waxa qudha ee haddana aynu raadinaynaa waa sidii aynu u heli lahayn Aqoonsi, Somaliyana waxaynu kula hadlaynaa waa sidii aynu u heli lahayn xaqii, xuquuqdii iyo wax walba oo inagaga xidhan, lakiin maaha inaynu dib ula midoowayno”.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay Siyaasiyiinta reer Somaliland ee iyagu ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland oo uu Cali Khaliif Galaydh ka mid yahay wuxuu yidhi  “Waxa jira Siyaasiyiin iyo Muwaadiin ka soo jeeda Somaliland, oo iyagu fikir khaldan qaatay, gudcurna gudaya oo ku sugan Xamar iyo Somaliya, kuwaas oo dantoodii, dalkoodii iyo dadkoodiiba, inkiray, meel aan dan u ahayna ka doorbiday, waxaana kuwaas odhan lahaa dantiinii waad seegteen, oo meel cidlo ah ayaad joogtaan, oo waxaad ka cararteen dalkiina oo amaan ah, sida aan maqlay Cali khaliif Galaydh waxa uu doonaya inuu ka qeyb galo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, marka hore isagu waa ayo, wejigee ayuu kaga qeyb galaya, runtii isagu waa nin u dhashay, kana soo jeeda Somaliland, balse hadda diidan gooni istaaga, markaas ma isaga oo Somaliland ka soo jeeda, jiritaankeedana diidan sidee uga qeyb gali karaa wada hadalada”.

Wasiirka Gaashandhiga  oo Bulshada baaq u diray ayaa yidhi “Somaliland waa dal nabad ah, oo dadkiisu isku tashaday, waxaana se Bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay isku xidhnaadan, oo cidii Nabada iyo Ammaanka dalka wax yeelaysa ama khal-khal ku abuuraysa meel uga soo wada jeestaan”. 

 

Comments are closed.