Hargeysa(Geeska)-Iyadoo uu shirweynihii 7aad ee dalladda SONYO shalay ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa waxa la rajaynayaa in shirkan maanta lagu doorto hoggaanka cusub ee SONYO.
Kulanka maanta ee SONYO ayaa mid xaasaasi ah, waxaanu loolan adagi dhex marayaa laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku tartamaya jagada guddoomiyaha, waxaanay ka soo kala jeedaan gobalada Maroodi-jeex iyo Awdal.
Kulankii shalay ayaa si weyn looga dareemayay xumada ololaha doorashada guddoomiyaha SONYO, iyadoo ay dhallinyaradu aad ugu mashquulsanaayeen ololayaal hoose oo uu dhinac waliba taageero ugu raadinayay murashaxa uu taageersanyahay.