Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Muuse Biixi, Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis Ugu Baaqay Inaanay Isku Seegin Kursi Aan Jirin

0
627

Picture4Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa ugu saddexda siyaasi ee Muuse Biixi, Wasiir Samaale iyo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis inaanay isku dilin meel cidlo ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale si adag uga hadley wada hadaladii dhawaan Somaliland iyo Somaliya ku dhex marey wadanka Jabuuti, waxaana uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanay ka dhab ahayn qadiyada gooni isu taaga Somaliland,balse uu aaminsan yahay midnimada Somaliya.isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftey in ay hayaan cadaymo muujinaaya in madaxweyne Siilaanyo uu aaminsan yahay midnimada Somaliweyn.waxa kale oo uu si adag uga hadley loolanka ka taaganka hogaanka murashaxnimo ee xisbiga KULMIYE.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu tibaaxay in wada hadaladii dhawaan lagu soo galay wadanka Jabuuti ay ku jireen qodob si toos ah u muujinaaya in lagu dhiirado midnimada Somaliya."Somaliland wada hadalkeeda markey qarsatay xukuumadani ee ay mucaaradkii oo dhan ay ka tagtey awal ninbaa raac raaci jirey kolna yeedhi jirey kolna qeylin jirey, laakiin se waxaa ay ahayd in si dhaba mucaaradka iyo daneeyeyaasha si toos ah looga qeyb galiyo, halkaaba marka horeba mad madaw ayaa ku jira ka tagida mucaaradka. Marka labaad waxii ka soo baxay qodobka labaad waxaa uu odhanayaa in lagu dhiirado, mucda wada hadalka iyo masiirka, haddaad maqasho luqad ahaan waxaa lagu dhiiradaa waxyaalaha laga baqanaayo, markaa haddaad maqasho waxaa ha lagu dhiirado waxa weeye wax afka la soo marin kari waayey oo laga baqanaayey ayaa lagu dhiiradaa markaa waxaa laga baqaayey waxaa ay ahayd Somaliweyn ayaanu ka mid nahay, maamul goboleed ayaanu ka mid nahay ayaa lagu dhiiran waayey Umadda reer Somaliland ee 1991-kii goosatay ee la soo noqotay xoriyadeedii ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alleh ha u naxariistee uu ka qaadey codka(Aftida) ayaa loola iman kari waayey oo dadkiina yar yar ee aan mar la dhashay Somaliland ee ay daan arag dawlada Somaliyeed waxaa loola iman kari waayey mawqifka, madaxweynaha dalka haysta horaa loo ogaa warqado ayaanu ku haynaa isaga oo qoran mawqifkiisu waa nin midnimada aad u jecel, Madaxweynahu waxaa uu aaminsan yahay midnimo buuxda, sababta oo ah warqado hore ayuu badheedhihiisa hore ugu qorey sanado hore, waxaa lagu dhiiran waayey in umadda loola yimaado waxii codka loo qaadey ee aftida lagu bixiyey waanu ka noqonay, markaa ta laleeyahay halagu dhiirado dadyahaw waxa weeye macnaheedu ku dhiirada midnimada Somaliya, markaa xukuumadani waxaa ay aaminsan tahay midawga labada dal oo buuxa ayey aaminsan tahay"Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog), waxaa uu sida oo kale uu ka hadley loolanka adag ee muddooyinkii danbe ka dhex taagna murashaxnimada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.“Anagu waxaanu la tartamaynaa madaxweynaha,af-garan mayno haakah wax la yidhaa.waxaanu leenahay madaxweyne inamada aad wasiirada ka dhigatay jooji ilayn adigaa nala tartamayee,lacagtaas waxaan u arkaa tacaddi laga galey umadda Somaliland iyo fadeexad weyn.markaad eegto dakhliga(Miisaaniyadda) waa wada cashuur, cashuurtii haddana in la daadaadiyo oo odayada jeebabka lacago looga buuxiyo oo Afar kun oo qof la casuumo, arrinkaasi dawladnimada kuma habboona, gef baanu ku yahay umaddan fakhriga ah ee la daalaa dhacaysa sixir bararka.waxaanu leenahay madaxweyne waad arkaysaa, wasiiradda isku mushahar baanu nahaye, dee anagu ma casuumi karo 5-qof,markaa lacagtan ay ku casuumeen dhawrka kun ee qof xaggey ka keeneen.waxaan leeyahay saddexda musharax ha isku dilina meel aan waxba oolin, oo dadka aad shaashadaha soo tubaysaan ka daaya waa idinku ceebe, ha isku dilina gubadkaan gubi doono biciidka daaqi doona”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog).