Wasiir Cadami Oo Sheegay In Loo Wanqalayo Darajada Ciidamada Iyo Dhoolatus Ay Samayn Doonaan

1
569

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay samayn doonaan dhoola tus, isla markaasna wanqal loo sayan doono darajada ciidamada.

Waxa wasiirka gaashandhigu uu sheegay in dhoolatuska iyo ducadan wada socda lagu qaban doono dugsiga tababarka ee Dararweyne oo uu sheegay in haatan laga dhigay kuliyad lagu tabobaro saraakiisha oo ay ku jiraan ku dhawaad 200 oo sarkaal.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashandhigu mar uu shalay warbaxin siinaayay golaha wakiilada,waxaanu ugu danbayntii warbahintiisa kaga hadlay socdaalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Taleex. waxaanu isaga oo arinaas ka hadlaaya uu yidhi “Darajada ka dib waxa ciidankii u hadhay oo kaliyaata in darajadii loo wanqalo,iyadana insha allaahu kuliyada darar weyne laga sameeyay oo madaxweynuu uu furi doono oo ay hada ku jiraan 200 oo sarkaal oo ay xataa ka mid yahiin kuwii Itoobiya ka soo noqday,dadka tabobarka halkaas ku siinayaana waa dadkii Dalkan u dhashay oo saraakiil sare ah, kuwo laynoo soo diray oo bilawga sida loo qaato inaga caawinaaya oo saddex nin ah ayaa jira oo dhanka Itoobiya inooga yimi. wanqashaas oo ilaa Sabtida Axada la samayn doono hadii alle idmo waxaan ula jeednaa wax waliba faataxaday isaga baahan yahiin ducaduna waa lagama maarmaan oo dad islaam ah ayaynu nahay, waxa laysugu tagi doonaa kuliyada Dararweyne oo ay munaasibadu noqon doontaa  ciidamadii oo isku jira ayaa iyaguna halkaas isugu tagaaya,dhoola tusna kama madhna inta badan waxbaanu dilaynaa waxbaanu jiidhaynaa waa hadal af laga yidhi ee amarka iyo ficilka ayaa muuqda markaas ciidanka intaas leeg inuu jiro oo joogo oo uu heegan u yahay difaaca qarankan ayaa la tusayaa.”

Sida oo kale waxa uu wasiirku ka hadlay imaatinka uu madaxweyne ku xigeenka Puntland uu yimi Taleex “Waxa kale oo aan doonayaa inaan wax yar ka taabto maalmahan waxa lays weydiinayaa oo furnayd sheekadii Taleex, cidii timi iyo madaxweyne ku xigeenka iyo hawshaasi markii hore waxay u socotay mid gudahooda ah oo labadii beelood ee wax kala dilay dhankooda ah,hada markan danbe midabka siyaasadeed ee ay leedahay dhawr ayuu isugu jiraa waxay inaga dhex taagantahay Puntland oo doonaysa kalsoonidii ay lumisay inay la soo noqoto,waxaanay is leedahay waxa ku naafeeyay Khaatumadiiye ay tuurto oo ay iyadu isirnimadeedii iyo intii ay markii horeba ku shaqaysanaysay ay la soo noqoto arinkaas ayaa ka mid ah arimaha uu u joogo madaxweyne ku xigeenka Puntland dad kale oo la shaqaynayaana waa ay jiraan.waxa jirta iyaduna mid barbar socota taas oo ah tii Khaatumada oo tolaayeeyda dibadu ay ugu xoog weyntahay oo la leeyahay haybtii iyo magacii baxay iyo raganimadii yaan la baabinin taasina waa mid jirta,labadaas loolan siyaasadeed ayaa is barbar socda.ciidanka Somaliland oo ilaa Xudur joogaa indho dheer ayuu arimhaas ku arkaa oo kula socdaa waxii ka iman kara warka meeshana saacad saacad ayaanu u helaa warka meeshaas ka jira. Dagaalka iyo maxaa ficil loo muujin waayeyna istaraatijiyad ayaa ka horaysa.waxaana ku soo gabogabaynayaa in ciidanka qaranku uu hayo hawl ka balaadhan hawshii uu qaranku u dirtay.”

Comments are closed.