Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Madaarka Hargeysa Iyo Genel Energy

1
594

Picture3Hargeysa(Geeska)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada ku dhaliilay shirkadii sahaminta shidaalka waday ee iska baxday iyo dadka u cadilan madaarka Hargeysa. Waxaanu xukuumada ku tilmaamay mid arimahan ku fashilantay.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumada ugu baaqay inay u  ogalaato Etopian Airline inay madaarka Berbera isticmaasho oo si dadka ay u daad gurayso.

Waxa uu Jamaal Cali Xuseen sidan  ku sheegay isaga oo la hadlaayay tilifishanka HCTV,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Shirkadaas sahaminta shidaalka ka waday dalka ee sida degdega ah uga baxday runtii waa ayaan daro,waxaanan leeyahay xukuumada Somaliland aad ayay ugu fashilantay arinkaas,baarlamaanka Somalilandna waa uu ku fashilmay sababta oo ah in badan ayaanu ka hadalnay oo waxaanu nidhi waa in baarlamaanka la hor keeno heshiiskii ay shirkadaas iyo xukuumadu wada galeen,lamna hor keenin baarlamaankuna doorkiisii kamuu ciyaarin hadii uu dawlada cadaadis ku saari lahaa inay keento heshiiskaas oo cad oo la arko waxa lagu heshiiyay,imika waxaad moodaa in qol madaw ay isla galeen shirkadaas iyo xukuumadu waxay ku yimaadeena aan la garanayan waxay ku baxeena aan la garanayan inay sahamin wadeen iyo in kale waxaasina aduunka kama shaqeeyaan.”

 Musharax Jamaal oo ka hadlaayay dadka u cadilan shirkada Etopian Airline waxa uu yidhi“Arinka lanbaad waxa weeyaan madaarka Hargeysa iyo dadka ku cadilan hada diyaarada Etopian Airline madaaarkan Hargeysa sanad iyo badh ayuu iska xidhnaa oo la yidhi waa la dhisaayay markii la sameeyayna diyaaradahii waxay yidhaadeen ma fadhiisan karayno,marka ugu horaysa in lagu qasbo maaha oo la yidhaahdo qasab ayaanu ku fadhiisanaysaan oo dalkiiniina waanu la soo hadlaynaa, waana in awalba diyaaradu Berbera ayay fadhiisanaysay inay fadhiisato oo dadkii yimi ee qurba jooga ahaa iyo dadkii kale ileen caruurahoodii iskuuladii ayay u tagayaane,imina inay cadilan yahiin oo la yidhaahdo Jigjiga mara caqli maaha,waxa laga doonayaa xukuumada inay sida ugu dhakhsaha badan ay u furto Etopian Airline oo ay ka soo dagto madaarka Berbera.”

Comments are closed.