Hello; Madaxweyne: Geeska Afrika Staff Writer

0
569

Picture5Marka aad maqasho madaxweyne ayaa meel la isugu yimid ka hadlaya, waxa qalbigaaga ku soo dhacaya waxyaabaha dalka ku cusub ee ay bulshadu ka sugayso inuu Madaxweynahaasi ka hadlo, kuwaas oo looga baahanyahay inuu ugu yaraan u sheego inay dareenkooda dejiyaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu shalay ka qayb galay xaflad loo sameeyay arday tiro badan oo ka qalin jebisay jaamacadda Golis, waxaanu ka qayb galkiisa xafladaasi ku soo beegmay iyadoo ay dalka ka jiraan arrimo saamaynaya amniga iyo dhaqaalaha qaranka, kuwaas oo ay bulshadu afartii caano maal ee u dambeeyay si weyn u faaqidaysay, waxaanay dad badan oo ka qayb galay munaasibadaas iyo kuwo aan ka qaybgelinba sugayeen in Madaxweynuhu soo hadal qaado. Waxase yaab noqotay markii uu Madaxweyne Siilaanyo midna ka soo hadal qaadi waayay arrimahaas.  Tusaale ahaan shirkadda Genel Energy waxay shaqaalaheedii kala baxday Somaliland, waxaanay cadaysay in bixitaankeedu salka ku hayo amniga oo xumaaday. Sidoo kale shirkadii diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa iyana sababo aan la shaacin balse loo badinayo dhinaca ammaanka u joojisay duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay Somaliland.

Labadan qodob, oo saamayn dhaqaale, amni iyo sumcadeed ku leh qarankan Somaliland, Madaxweynuhu ma soo hadal qaadin, kelmadna kamuu odhanin. Waxaanay dadka qaarkii Madaxweynaha weydiin karaan, Mudane Madaxweyne miyaanad ogayn in shirkadii Genel Energy intay dalka ka baxday ay weliba ku fadeexadaysay mid ka mid ah Wargeyskada Maraykanka ugu magaca weyn. Miyaanad madaxweyne la soconin in diyaaradii Ethiopian Airlines ay duulimaadyadeedii joojisay oo ay weliba Hargeysa ku cadilanyiiin dhawr boqol oo qof oo ah muwaadiniin reer Somaliland.?

Sidoo kale, waxa isna jira qodob kale oo ay xisbiyada mucaaradku walaac ka muujiyeen, kaas oo ah qabsoomida doorashada iyo diiwaangelin horteed la sameeyo. Qodobkani wuxuu gaadhay inay xataa xisbiyada mucaaradku qoraalo mawducan la xidhiidha u diraan wadamada taageera dimuqraadiyadda Somaliland. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo qodobkana ma soo hadal qaadin.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne waxay bulshadu kaaga fadhidaa inaad shacabkaaga la hadasho oo aad ka jaahil saarto hadba arrimaha taagan. Sannadkan oo qudha waxa dalka soo maray duruufo waaweyn oo ay ka mid yihiin go’aamadii ay Maraykanka iyo Ingiriisku shacbigooda ugaga digeen inay u safraan Soamliland. Lagaama doonayo inaad mawduuc kasta ka jawaabto, laakiin bal ugu yaraan mawaadiicda xaasaasiga ah shacabka uga jawaab oo ka jaahil saar. Hoggaamiyaha wanaagsani waa hoggaamiyaha hadba la socda dareenka shacabkiisa, kana jawaaba celiya waxyaabaha ay isweydiinayaan ee qarankooda saamaynta ku leh.