Wasiir Biixi Oo Geeska Afrika Uga Waramay Socdaalka Wasiirka Ingiriiska Ahi Dalka Ku Yimid

0
660

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka waramay Wefti balaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo dalka yimid, waxaanu tilmaamay in Weftigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Horumar Ingiriiska Grant Shapps  iyo Safiirka Somaliland iyo Somaliya u qabilsan Ingiriiska, iyagoo la kulmay  Madaxweynaha.

Wasiir Biixi,  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland horumar balaadhan ku talaabsatay, isla markaana ictiraaf raadintii meel wacan marayso, lagu soo hiranayo, oo Wadamo badan imanayaan, iyaga doonaya inay maalgashadaan, oo ka qeyb qaataan horumarka dalka ka socda, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Weftigani waxa uu ahaa Wefti Ingiriis ah, oo ka socday Dawladda Ingiriiska, Wasiirka horumarinta Ingiriiska iyo Safiirka Somaliland iyo Somaliya, iyo ninka u qaabilsan Horumarka Somaliland iyo Somaliya, Wefti balaadhan oo Shan qof ka kooban ayuu ahaa, khaasatan waxa ay u yimaadeen inay Madaxweynaha la shiraan, oo ay kala shiraan arimaha ku lug leh Sanduuqa Horumarka Somaliland (Somaliland Development Fund), arimaha ku lug leh horumarka, arimaha ku lug leh wada hadalada, sidaas ayey u yimadeen, Saaka (Shalay), markii ay Madaxweynaha la kulmeen waxa aanu la saxeexanay heshiis Biyaha iyo Laydhka ah, dabadeedna Amasadoor,  ayaanu qado iyo wada sheekaysi ku wada yeelanay, SDF-tu waxa ay qabato, mashaariicda ay maamusho, Wasiiraddii qaabilsanaa oo dhan ayaa joogay, sida Wasiiradda Tacliinta, Beeraha, Caafimaadka, Biyaha,Hay’adda Biyaha,  markaas arinka ay u socdeen arinkaas ayuu ahaa, markii dambena Shirkuu wuu dhammaaday, Itoobiya ayeyna ku noqdeen”.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibada yidhi “Siyaasadii Arrimaha Dibada wax badan ayaa iska bedelay, oo  dalalkaas fara badan ee Wadanka ku soo qulqulaya waa firfircoonida ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wado, ha ahaato maalgashi, ama wada hadaladii oo la bilaabi doono Insha-allah, ama ha ahaato Ictiraaf raadinta, ama ha ahaato Nabada.

Weftigaas Ingiriiska ee balaadhan ee yimid inuu inagu soo dhiiraday iyaga oo Xamar ka yimid in Dawladda Xamar uu Madaarka kula kulmo inagana uu Suuqa inagula kulmo, oo uu Suuqeena soo maro, Madaxtooyadeena uu yimaado, markaas Nabada Somaliland taala ay aad u xiiseeyeen, aadna  waxa u xiiseeyeen horumarka aynu gaadhnay, jacaylka aynu u qabno inaynu gaar isku taagno waan  uga waramay, Somaliland aad ayaa loogu soo dhiiranaya, oo waa taas oo Weftigiisi Ingiriiska ahaa inoo yimadeen, oo xaggii Horumarka, Dhaqaalaha, Ictiraaf raadinta ay Somaliland inay sii balaadhiyaan ayey doonayaan.”