Cali Khaliif Oo Dadka Koonfurta Somaliya Ugu Calaacalay Inay Taageersanyihiin Madaxbanaanida Qaddiyada Somaliland

0
556

Picture5Muqdisho(Geeska)-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee hoggaamiya kooxda khaatumo ee Somaliland diidka ah ayaa khudbad calaacal u badan ka jeediyay xafladii caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug ee Somaliya.

Mr. Galaydh, wuxuu ku calaacalay in kooxdiisa oo doonaysa midnimo aanay taageero ka haysan dawladda Somaliya iyo dadka Somaliya ee degen Koonfurta Somaliya. Waxaanu Siyaasiyiinta, ganacsatada iyo madaxdhaqameedka reer Somaliya, gaar ahaan kuwa Koonfur dega ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin qaddiyadda Somaliland.  Isagoo ku calaacalaay inaanay dawladda Somaliya Khaatumo ku darin gobalada ay dawladda Somalya maamulada u dhisayso, wuxuu yidhi “Waxaan maqlaynaynaa waa la nakhtiimayaa gobalada maamulada loo dhisayo oo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa u dambeeya. Waxaan maqlayaa in lagu hadaaqayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa noo hadhay. Arrintaas waa arrin loo baahanyahay in laga wada hadlo. Haddii sida muuqata dadkaas [Khaatumo] oodda laga soo rogto eedda yaa leh. Su’aasha meesha taalaa waxa weeye maxaa loogu tallo galay umadda Somalida ah ee waqooyiga degen.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo calaacalayaa.

Isagoo sheegaya in dadka Somaliya ee Koonfurta degeni taageersanyihiin Somaliland wuxuu yidhi, “Anigu warkayga waan cadaystaaye waxa muuqata in kala go’a Somaliya uu Koonfur ka socdo. Kala go’aas meesha lagaga eedaynayo Somaliland waxaaba kula shaqaynaya Somaliyada Koonfureed oo Koonfur ayaan doonayn midnimada Somaliya.”

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hadalka Cali Khaliif Galaydh, “Inaanaan midnimada rabin oo aanaan midnimada raadinayn taas ma qaadan karno laakiin wixii ka soo hadha ee farsamo ah ama dedaal yari ah waanu qaadaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in midnimada Somaliya ay wax badan kala maqantahay shacabka reer Somaliland ee 25 sannadood ka hor aayahooda ka tashaday.