Jamaal Oo Ka Hadlay Shir Mucaaradka U Furmaya Iyo Qodobada Lagaga Wada Hadlayo

0
538

Picture3Hargeysa(Geeska) :-Murashaxa madaxweynaha xisiga mucaaradka ah ee Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay qabanayaan shirkii ay dhawaan ku dhawaaqeen isbahaysiga mucaaradka Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in maanta oo sabti ah ugu bilaabmi doono magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay ku casuumi doonaan xukuumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda haddii ay ogalaadaan in ay kala soo qeyb-galaan shirka.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Talefeeshanka Star, ayaa sida oo kale waxaa uu iftiimiyey waxyaabaha ay shirka kaga hadli doonaan mudada uu socdo, waxaana uu hoosta ka xariiqay in shirka ay ku soo bandhigi doonaan gal-daloolooyinka xukuumadda Siilaanyo mudadii ay talka ka talinaysay.

“Haddii Illaahay idmo berito, ayaa uu noo bilaabmayaa shirkii, shirkiyagana waanu ku casuumi doona cid walba, iyaga laftoodana ayaanu ku soo casuumaynaa haddii ay doonayaan, ha ka soo qeyb galaan, ha nala doodaan, wax aanu qarsanayno maaha, waa wax cad, warbaahinta ayey u furan tahay, marka adeer dadka dee wax duminayaa meel ayey waxooda ku qarsadaan, annaga waxayagu waa wax waadix ah, intii aanu qaranka ku lahayn ee mucaaradada ahayd iyo meelaha gal daloolooyinku ka jiraan, ayaanu soo bandhigi doona.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay halka uu salka ku hayo murankan siyaasaddeed ee maal mahii ugu danbeeyey dalka ka curtay isaga oo iftiimiyey in uu ku lug leeyahay fulin la’aantii heshiiskii ay xukuumada iyo xisbiyada qaranka Somaliland dhawaan ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay galaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda Siilaanyo iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland.

“Heshiiskii ay gaadheen labada xisbi qaran, xisbigooda iyo xukuumaddu  wixii ay gaadheen  ayaanu leenahay ixtiraama, waxaanu doonaynaa annagu muddo kordhin sharci ah ee aanu siinay in ay saxeexaan iyaguna muddo kordhintii sharciga ahayd dooni maayaan, dhibaatadu waa taa, shan sanno ayaa ay ummadu Madaxweyne Axmed ay heshiis siisay isaga ayaana yidhi maalin la iigu dari maayo, isaga ayaa yidhi annagu maanan o dhan, waxa uu yidhi waan fulinayaa oo maalin la iiguma dari doono, shantaydii sannana doorasho ayaan ku samaynayaa, waa uu wadi kari waayey, waa uu samayn kari waayey, waa uu ku fashilmay, maadaama uu shantiisii sanno ku fashilmay in uu doorsho ku sameeyo, annagu waxaanu nidhi dalku yaanu dawlad la’aan ku dhicin oo muddo kordhin ayaanu u samaynay sannad iyo lix billood ah oo aanu nidhi intaas uu ku samee doorasho, waana uu nala saxeexday, marka sannadkii iyo lixdii bilood ee aanu siinay, ayaanu leenahay waar muddo kordhin sharci ah adiga oo aan saxeexin ama fulin yaanu dalku 27ka Julay galin dawlad la’aane fuli oo tii aqbal.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.