Wasiir Axmed Shide Oo Qaaday Talaabo Kale Oo Uu Ku Horumarinayo Dhaqaalaha Itoobiya 

0
1131

Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa beddelaysa Lacagta birta, waxaana la soo daabacay Lacag cusub oo Itoobiya yeelanayso.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo hoggaaminaya Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka ayaa soo daabacay Lacag cusub, waxaana dhawaan isticmaalkeeda la bilaabayaa Lacagta cusub ee tii hore lagu beddelay, taasi oo kala ah 10 bir, 50 Bir iyo 100 Bir, halka la soo kordhiyey Lacag cusub oo ah 200 Bir ah.

Tallaabadan oo uu hormood u yahay Wasiir Axmed Shide ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dhaqaalaha Dalka Itoobiya, kaasi oo kor u socday muddooyinkii dambeeyay.

Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa Bishii hore noqday Wasiirka Maaliyadda ee ugu fiican Qaaradda Afrika.

Majaladda African Leadership Magazine ayaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide u aqoonsantay inay siiso Billadda  Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkan 2020.

War-murtiyeed ay Majaladdu soo saartay waxay ku soo bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira  Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020. Laakiin wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda bariga Afrika ee ay majaladdu u aqoonsatay Wasiirka maaliyadda ugu wanaagsan Afrika sannadkan 2020.

Tallaabadan uu Wasiir Shide ku soo daabacay lacagta cusub ayaa waxa bogaadiyey Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in lacagta la soo daabacay ay gacan ka geysan doonto xakamaynta Falalka Sharci-darrada ah ee dhinaca lacagaha.