Koox Nolol Baadiye U Diyaarisay Dad Ay Sheegtay In Ay Ka Badbaadinayso Dabargo’ Dunida Ka Dhacaya

0
688

Dalka Maraykanka waxaa ka jira dhaqdhaqaaq muddo dheer taagereyaashiisa u diyaarinayey waxa uu ugu yeedhay ‘Waaritaan’ oo uu uga jeedo in ay nolosha ku sii negaanayaan kaddib marka ay dunidu rogmato. Kooxdani waxa ay dadkeeda u diyaarisay meel baadiye ah oo ay keyn dhexdeed ka dhistay teendhooyinka dadku ku noolaanayaan, isla markaana ku kaydisay cuntooyin iyo cabbitaanno kala duwan oo sannado badan ay ku noolaan karaan iyo si loogu badbaado marka sida ay aaminsan yihiin ay nolosha adduunku dhammaato ee ay kelidood ka soo hadhaa aadamaha.

Kooxdan oo deggen xero ballaceedu dhan yahay 40 Hektaar ayaa dhex dhigatay khasnado iyo sanduuqyo ay ka buuxiyeen cuntooyin isugu jira kuwo qasacadaysan iyo cunto jawaanno ku jirta, oo la sii isticmaali karo illaa sannadka 2025 ka.

Goobta ay kooxdani deggentahay waxaa ku yaalla tiir loo isticmaalo ammaanka iyo ilaalada xarunta, waxa kale oo xarunta yaalla hub aan badnayn oo uu ka mid yahay qori nooca waaweyn ah oo awood u leh in uu joojiyo gawaadhida gaashaamani haddii ay isku dayaan in ay goobta galaan, gaar ahaan qolka lagu qanciyo dadka doonaya in ay kooda ku soo biiraan ee xerada yimaadda, arrintan ayaa sababtay in dadka qaar ay kooxdan ‘Waritaanka’ ku tilmaamaan xagjir, dad aan maskax ahaan dhammayn iyo maleeshiyo. Si kastaba ha ahaato ee Rehn oo hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Maryakanka imikana hoggaamiyeyaasha kooxdan ku jira ayaa dhaliilahaas ka difaacay kooxda oo dalka Maraykanka looga yaqaanno ‘Survivalists ama Preppers’.

Kooxdan oo ka jawaabaysa sababta keentay in hub lagu ilaaliyo xaruntan, ayaa sheegay in aanay jirin cabsi ah in cid shisheeye ahi ay soo weerarto xarunta si ay u qabsato. Balse laga cabsi qabo in marka dawladnimadu burburto sida ay aaminsan tahay kooxdu ee la isu adeegsado hubka Nukliyeerka iyo Bayoolojiga, ama marka uu dhaqaaluhu burburo ee fawdo siyaasadeed dhacdo ama ay cudurro dillaacaan in muwaadiniinta Maraykanka ahi ay ku soo qamaamaan goobtan si ay u boobaan cuntada iyo agabka nolosha muhiimka u ah ee ku keydsan.

Rehn waxa uu sheegay in qorshaha xaruntani uu yahay in marka ay dhibaato dhacdo ay shir isugu imanayaan guddi shan ah oo xubno ka ah ururku, si ay go’aan uga gaadhaan in dhibtaasi ay tahay mid masiibo loo aqoonsan karno, haddii ay masiibo u aqoonsadaanna waxa ay ku dhawaaqayaan in dhammaan xubnaha ururku ay gudaha u soo galaan xeran oo ay aaminsan yihiin in lagu badbaadayo. Qof kasta oo xubin ka ah kooxdu waxa uu haystaa erey afgarasho oo sir ah, ciddii aan xubnahaas ahayna looma ogolaanayo in ay gasho xarunta. Haddii xanuun dillaaco waxaa jira kooxo caafimaad oo dadka goobtan imanaya xaaladdooda hubinaya.

Xeradan ayaa ah goob lagu noolana karo, waxa ay leedahay ceelal biyood, guryo diirran, qalab casriya oo kala duwan, waxaana ku rakiban qalabka qorraxda korontada ka dhaliya.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in xeradan lagu dhaqay adhi iyo lo’ iyo sida oo kale digaag, kaas oo loogu talagalay in dadka xerada badbaadada u yimaaddaa ay dhaqdaan oo intifaacsadaan. Waxa kale oo ku yaalla gabood dadku gelayaan iyo god loogu talagalay in lagu gubo waxyaabaha wasakhda ah.

Kooxdan waxaa aasaasay Drew Miller oo ka qalinjebiyey jaamacadda Harvard, isla markaana ah xeeldheere sirdoon oo hore uga tirsanaan jirtay sirdoonka Milateriga ee Maraykanka. Miller waxa uu sheegay in qorshihiisu yahay in ay dhisto 12 xarumood oo la mid ah tan aynu ka warannay si masiibooyinka kooxdani sheegayso looga badbaadiyo dadka aragtidan aaminsan.

Dadka xaruntan in ay ku badbaadaan raba ee aragtidan rumeeya waxaa qof kasta laga qaadayaa lacag aan ka yarayn kun doolar sannad kasta, waxa aana loo asraynayaa gabbood uu isagu gaar u yeelanayo oo uu dego, sida oo kalana waxaa loo sheegayaa sida uu ku helayo adeegyada kale ee goobta.

Rehn waxa uu sheegay in xaruntan oo masaafad 2 saac gaadhigu u socdo u jirta magaalada Washington in ay hoy u noqon karto illaa 5 boqol oo ruux.

Intii uu adduunyada ka dillaacay Coronavirus oo ku dhacay dad 7 milyan ku dhow oo Maraykan ah, tiro 200 oo kun ka bandanna dilay, waxaa kor u kacay tirade dadka cabsidu ku kallifayso iin ay waraystaan masuuliyiinta kooxdan si ay uga helaan xog anfacda haddiiba ay dhacdo in ay u baahdaan nolosha goobtan ee badbaadada loogu sheegayo.

Guud ahaan dalka Maryakanka waxaa ku badan dareenka badbaado raadiska ah oo marar kala duwan la maqlo kooxo iyo shakhsiyaad dadka u sheegaya in ay hayaan xeelado iyo goobo ay dadku kaga badbaadi karaan khataraha ay ka mid yihiin cudurrada dilaaga ah ee sida fudud u faafa, gaajada iyo colaadaha oo hubka nukliyeerka isticmaalkiisu ugu badan yahay. Laakiin muddooyinkii hore arrintani waxa ay ku badnaan jirtay dadka dadka maalqabeenka ah oo lacago malaayiin doolar ah geliya dhismaha iyo iibka goobo gabbood lagu sheego oo dhulka hoostiisa u badan, iyo ku biirista kooxaha ku andacooda in ay dadkooda ka badbaadinayaan khatar dabargoynaysa. Laakiin waa markii ugu horreysay ee ay soo baxaan kooxo isla aragtidaas ku shaqaynaya oo beegsanaya dadka dhaqaalahoodu hooseeyo.