Korodhka Dhalinyarada Loo Xukumay Waalid Caasiga Iyo Tirada Lagu Helay Diin Cayga

1
735

Picture5Hargeysa (Geeska) – Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa ku mashquulsan xukunka dhalinyaro tobannaan ah, kuwaasi oo xaafadaha kala duwan ee Caasimadda looga soo xidhay siyaabo kala duwan.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa shaqadeeda ugu badan tahay inay xukunno ku riddo dadka caanka ku noqday Cayda Diinta Alle iyo Nebigeenii Muxamed (CS), kuwaasi oo suuqyada laga ururiyo isla-markaana sharciga la mariyo si ay uga waantoobaan inay aflagaadeeyaan Allaha Weyn (SW).

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa bilihii u dambeeyay xukunno kala duwan ku ridday dad door ah oo lagu qabtay iyagga oo Maandooriyaha Khamriga soo Galinaya Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo markii dacwadda boolisku ku soo oogay la dhageystay lagu ridday xukunno kala duwan iyo weliba ganaax lacageed oo aad u badan, si ay aanay dib ugu noqon dambiga noocaas ah oo fasahaadinaya nafahooda iyo shacabka kale ee ku dhaqan dalka.

Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyay xukuno ku ridday 64 dambiile, kuwaasi oo ku kala eedaysnaa kiisaska kala ah Waalid Caasi, Khamri ay Magaaladda soo galiyeen iyo kuwo la qabqabtay iyagga oo Aflagaadeynaya Alle (SW), Diintiisa iyo Nebigeenii Subannaa (CS), kuwaasi oo guddida wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland oo isku xil saaray inay la dagaalamaan kuwa Diin cayga ku caan baxay ay u gudbiyeen Maxkamadda degmada Hargeysa si abaalkooda loo mariyo.

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyay xukuno u dhexeeya sanad ilaa lix bilood ku ridday 27 qof, kuwaasi oo lagu helay inay Diinta Alle caayeen ama Aflagaadeeyeen, kuwaasi oo ay maxkamadda u gudbiyeen guddida wanaag farista iyo xumaan joojinta

Sidoo kale, Maxkamadda degmada Hargeysa waxay xukuntay mudadaasi 20 dhalinyaro ah, kuwaasi oo markii hore boolisku u xidheen cabashooyin uga yimid waalidkooda oo la xidhiidha inay dhibaato ku hayaan ee laga xidho, bal si ay u joojiyaan dhibaataynta waalidkooda, balse markii loo maaro waayey markii dambe Maxkamadu xukuntay si ay uga waantoobaan mushkiladaha ay ku hayeen waalidkooda.

Mid ka mid ah hooyooyinka carruurtooda lagu ridday xukun waalid caasinimo oo Wariye Wargeyska Geeska Afrika ka tirsan kala sheekaystay sababta ay u xidhay qof wiilkeeda oo da’ diisu tahay 19 jir, ayaa sheegtay inuu nafteeda halis galiyey “Hooyo intaan la iga xidhin dhibaato mooyee wax kale aniga iyo reerkaba nagumuu hayn” ayay tidhi Hooyadaasi oo ku sugnayd Kaamboolka Maxkamadda degmada Hargeysa, waxayna intaa ku dartay “Habeen Walba waxa iman jiray saqda dhexe, markaan albaabka ka furo aniga iyo odeygaba (aabihii) wuu noo hanjabayey”

Ka sakow, xukunta saddexdii bilood ee u dambeeyay lagu ridday dhalinyarada waalid caasiga loo xidhay, waxa aad u soo kordhaya dhalinyarada wiilasha ah ee u saldhigyada booliska ugu xidhan dambiyo la xidhiidha waalid caasinimo, kuwaasi oo la doonayo in maxkamaddaha la horgeeyo.

Dhanka kale, Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa xukunno kala duwan ku ridday mudadaasi saddexda bilood ah 17 qof oo lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo ay soo galinayeen Magaalada Hargeysa.

Comments are closed.