Wasaaradii Ciyaaruhu Waxay Isu Bedeshay Goob Dilaal

12
873

 

Musate Cabdi Cilmi

 

Sidaynu ognahay baryahanba waxa ku jiray wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Hantidhawrka. Arintan oo dareen laxaadleh ku abuurtay bahda ciyaaraha. Haddaba waxa la yaab leh halka habaarku uga yimid wasaarada, miyaanay waayinba mid dilaala.?

Dawlada maanta dalka ka talisaa ha ogaato inay ka gaabisay horumarkii dhalinyarada, taas oo ay sabab u tahay inay quus ka joogaan arrimo badan. Waxa taas ku cadeynaya In bishan oo kaliya caasimada Hargeysa ay ka tahriibeen 46 dhalinyaro, arintaas oo ah mid aad looga naxo. Sida muuqata ama la wada ogyahay ceebta waxaa masuul ka ah wasiirka Ciyaaraha oo aan waxa qorshe ah u sameyn dhalinta . waxa uu wasiirku taas kaga sii daray inuu wasaaradii Ciyaaraha ka sameeyay arimo ku cusub, sida : shaqaalo aaney ogayn Hay’adda shaqaaluhu oo uu qortay, waxana uu afduubay shaqadii wasaarada. Shaqaalaha uu qortay oo ay kamid yihiin isuduwayaal, agaasime waaxeedyo iyo la talyayaal.

Mustafe Cabdi Cilmi (Qalbi)

Comments are closed.