Dhallinyaradii Reer Somaliland Ee Liibiya U Tahriibay Oo Xabsiyo Galay Iyo Muuqaalada U Dambeeyay Ee Laga Soo Qaaday Halka Lagu Hayo

1
876

 

tahriibHargeysa(Geeska)-Dhallinyaro tiro badan oo isugu jira kuwo reer Somaliland ah iyo kuwo u dhashay dalka Somaliya ayaa ku xayiran meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Liibiya, ka dib markii ay ku guuldaraysteen inay uga sii gudbaan dalalka Yurub.

Dhallinyaradaas ayay xaalad adagi la soo deristay ka dib markii kooxaha mucaaradka ahi la wareegeen inta badan ee taladii dalka Liibiya, iyagoo raacdeeyay cid kasta oo ay u arkaan madow ajaanib ah oo ay aaminsanyihiin inay yihiin caloshood u shaqaystayaal ka barbar dagaalamayay ciidamada daacadda u ah Col. Qadaafi. Waxaanay ciidamada mucaaradka Liibiya sameeyeen ciidamo roondo ah oo baadha dadka ajaanibka ah ee jooga magaalo kasta oo ay gacanta ku dhigaan. Ciidamo ka tirsan kuwaas roondada ah ayaa Arbacadii gacanta ku dhigay 53 ruux oo Somali ah oo ay ku jiraan shan dumar ah iyo canug yari, kuwaas oo ku sugnaa guri gaar ah oo doonayeen inay ku sugaan inta loo diyaar garaynayo dooni ay ku tahribaan. Dadkan la  qabtay oo ay soo werisay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sawiro laga soo qaaday waxa ka dhex muuqdo dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaan kuwo reer Hargeysa ah, waxaana qaarkood ka muuqda jidh dil loo gaystay iyo mid ka mid ah oo xay xabadi madaxa kaga dhacday kaas oo lagu magacaabo Cumar Cabdikariim. Kooxaha mucaaradka ah ee qabtay dadkan ayaa u gudbiyay xarun ay leedahay hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay.

Cadnaan Ibrahim oo madax u ah guutada ciidamada mucaaradka Liibiya ee tahriibayaashan qabtay ayaa sheegay inay si bini-aadminimo leh ula dhaqmeen dadkan, “Diintayada ayaa na faraysa inaanu si bini-aadminimo leh u la dhaqano.” Ayuu yidhi sarkaalkani, waxaanu sheegay inay cadahay inaanay qayb ka ahayn dagaalada. Laakiin afar maalmood oo ay tahriibayaashani gacanta ugu jireen mucaaradka Qadaafi, ayaa waxa ayaa waxa la siin jiray saddexdii wakhtiba hal mar oo cunto ah taas oo ay masuliyiinta mucaaradku ku sababeeyeen biyaha iyo cuntada oo gabaabsi ku ah Liibiya.

Labadii bilood ee u dambeeyay waxa magaalooyinka Somaliland qaarkood dib uga bilaabmay tahriibka oo muddo dheer laga nastay, qaar ka mid ah dhallinyaradaas tahriibtay ayaa la sheegay in lagu xidhay dhulka ay sii marayeen halka ay kuwo kalena haraad ugu geeriyoodeen dhulka saxaraha ah.

Comments are closed.