Qalinkaa Wax Suureeya 8

1
1905

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

NIN KAA XOOG WEYN LAMA GARAMI KARTIDA

 

  

 Waa murti ka mid ah murtida  bulsho waynta soomaaliyeed qaar ka mid ahi isticmaalaan, inkasta oo soomalidu leedahay suugan dhaxal gal ah oo soo jireen ah, hadana murti badan oo laga dhaxlay ama ay  dhigeen wax-garadkii hore waa kuwo leh miisaan aad  u weyn, xikmad iyo garasho nololeed oo xeeldheerina ku duugan tahay.

Sidoo kale, waxa jirta in sooyaalka suugaanta soomaalida ay aad ugu jiraan murti iyo maahmaahyo tiro badan oo huwan garasho qoto dheer, kuwaas oo wax ka yidhi nolosha uumanaha noocyadeeda kala duwan oo dhan, inta badan murtida Soomaalidu waa mid ka run sheegaysa waayo aragnimada iyo runta ay xanbaarsan tahay qaybaha kala duwan ee suugaanteedu ka kooban tahay, kuwaas oo u qalma inay waaraan inta  uu jiro dhawaaqa WAARYAA.

Qoraalkayga ujeedadiisu maaha inaan ka faaloodo murtida iyo suugaanta soomaliyeed ee mudan in lagu faano, lakiin waxaan u soo qaadanayaa murtidan iyo maahmaahyo kale oo aan wax ka qori doono sida ay uga marag kacayaa nolosha maanta uunka ka jirta, taasoo haddii aan si baaxad leh u milicsano sida uu u dhisan yahay xidhiidhka siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale, aqooneed iwm ee kala haga bulsho waynta adduunka ku nool  waxa aan si marag ma doonto ah u haleelayna in ay jirto awood sheegasho caadalada ka fog taas oo aan u baahnayn abla-ablayn iyo maskax tuujin badan, waxaanay dhaawac iyo dhimosho ku tahay  nolol wadaagii iyo wanaajintii looga baahnaa banii’aadamku inuu horseed ka noqdo kuna qurxiyo nolosha.

Marka aan si waafi ah u dhugano dhacdooyinka sida maalinlaha ah uga jira daafaha aduuunka ee fog,  hareeraheena ama dhulka aynu gondaha ku hayno, waxaynu arkaynaa in cidiba cida ay ka awood badan tahay, dhaqaale badan tahay, aqoon badan tahay… ay ku hayso muquuunin aan garawshiiyo lahayn, waxa dhici karta in laguu ogolaado in aad adeegsato dhaqaale, awood iyo aqoon  aad leedahay laakiin waxa ku xidhan in sida iyo habka aad u adeegsanaysaa uu yahay mid burburinaya maankaga iyo muruqaaga, iyada oo aan la ogolayn in aad ku koriso aqoontaada ama kor ugu qaado hankaaga sababtuna wa mid uu garan karo qof walba oo maskaxdiisu si sax ah u fekerayso.

Waxaa taariikh ahaan sugan oo qorayaal badan oo caalami ahi tibaaxeen gedgedooonka nolosha iyo tusmadeedana aan ku aragnaa in abuurka degnaansho la,aanta, cadaawada joogtada ah, aqoon la’aanta, cudurka iyo gaajaduba ay yihiiin tilmaamo ku lammaan oo ay horseed ka yihiin bulshooyin caalamka ku nool oo weliba ah kuwa loo tiiriyo inay dhaqaale iyo aqoon ahaanba adduun waynaha intiisa kale ka horeeyaan, kuwaas oo hadana hadh iyo habeen u taagan jallaafaynta iyo maaxduminta adduun weynaha kale.

Waxa weli dad aad u badan oo uunka ku wada nool oo waayahan ka dhaxeeyaa aanay fahmin in dulmiga noocan ah ay wadaagaan iyaga iyo bulshooyin kale  oo aanay lahayn hayb wadaag diineed, midab, isir, deegaan…waxaa taa kasii daran in dad tiradooodu kooban tahay oo hormood ka ah bulshooyinka falalkaas maleegaya aanay u socon danta dhabta ah ee bulsho-weynta ay kasoo jeedaan jeclaan lahaayeen inay noloshooda tilmaan uga dhigaan.

Ma aha ceeb in qof walba iyo bulsho weliba raadiso una taagnaato sidii ay u gaadhi lahayd danteeda gaarka ah, mana aha ceeb iyo wax laga xumaado haddii bulsho u xusul duubto inay ka wanaagsanaato bulshooyinka la wadaaga nolosha, isku daygaasi waxa uu u yahay bulshadaas sharaf iyo damac fiican oo ay dheer tahay dadka intiisa kale, laakiin waxa ceeb ah marka bulshadaasi aanay eegin banii’aadamka la midka ah ee ay isheedu noqoto mid haysa dhulka ay ku nool yiohiin bulshooyinka tamarta daran  iyo hantida ku duugan korkiisa ama hoostiisa, arrinkaasi oo inta badan ay aad ugu dheereeyaan bulshooyinka horumaray sidii ay uga lalin lahaayeen dadka dhibaataysani inay dareemaan.

Hadaba siday xaradhay murtidaas soomaaliyeed way adag tahay suuro galna maaha in aad la garranto ninkaas kaaga awoooda badan dhinacyada nolosha oo dhan, su,aasha mudan is waydiiintu waxa weeeye sidee ayaan gartayda u gaadhsiin karaa?  Taas oo macnaheedu yahay falalka noocan ah ee uu igula kacaayo sidee ayaan ku baajin karaa? Ka dibna u dhalin karaa is bedel nololeed oo suuro gal iiga dhiga inuu isagu raadiyo inaan gartiisa dhegaysto.

Waxay ila tahay in aanay adkayn laakiin u baahan tahay fulinta qodoban hoos ku sheegan:

  1. In qof ahaan iyo ummad ahaan aad ogaato halka aad joogto, garato waxa aad doonayso, u hawl gasho una dhabar adaygto fulinta waxa aad higsanayso.
  2. In xikmaddu ahaato ta xadaynaysa noloshaada dhammaanteed.
  3. In marka halka aad doonayso aad gaadho aan lagu daalin sidii laguula garami lahaa, ee waa in aad noqotaa BANII’AADAM.

 

Asal ahaan noloshu way leedahay gebi dhac kelifa dulmi iyo xaqdaro dhex mara Ilma Nebbi Aadam, laakiin waxa kaga aadan qofka suuban in aanu ku xadgudbin UUNKA kalana hortago xadgudubka jira FAL XIKMADEYSAN. 

qsuureeya@live.com

  

Comments are closed.