Wasaaradda Waxbarashada Oo Mabnuucday In Ardayda Laga Qaado Lacag Aan Ahayn Ta Bisha

0
452

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa sheegtay inay Mabnuuc tahay in Ardayda Dugsiga Dalka, kuwa Dawladda iyo kuwa Gaarka loo leeyahayba laga qaado Lacago ka baxsan Lacagta bisha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Shalay kormeeray Dugsiyada Magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa sheegay inay Wasaaraddu bixin doonta Lacagaha laga qaado Ardayga doonaya inuu iskuul kale u beddesho, lacagaha la qaado Rool lambarka iyo Ardayda laga qaado Ardayga marka Shahaadada Dugsiga sare la siinayo.

Wasiir Toorno wuxuu Mabnuuc ku sheegay in Dugsiyada Ardayda lagaga qaado Lacago ka baxsan Lacagta Bisha laga qaado, sida lacagihii Ardayda laga qaadi jiray marka loo samaynayo Shahaadada Dugsiga sare, Lacagtii loogu samayn jiray Rool Lambarka uu Ardaygu Imtixaanka ku galayo iyo Lacagta isku beddelka Ardayda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maamulayaasha iyo Macalimiinta waxa looga digayaa inay Ardayda ku dirqiyaan Buugaag aan Manhajka ahayn, xitaa haddii Ardaygu uu soo iibsan kari waayo Manhajka oo uu Arday kale la akhrisanayo laguma khasbi karo.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Wasaaradda Waxbarashadu waxay joojisay Lacagta (Laga qaado) Ardaygu markuu beddelanayo, markaa Ardaygu markuu beddelanayo Lacag lagama qaadi karo, Rool Lambarka lacag lagama qaadi karo oo Wasaaradda Waxbarashada ayaa bixinaysa sannadkaa laga bilaabo.” Ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office