Jaamac-shabeel Oo Xukuumadda U Soo Jeediyey Inay Wax Ka Qabato Sicir-bararka Maceeshadda

0
578

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay qiimaha sare u kacay ee Shidaalka iyo Maceeshadda, waxaanu xusay inay Xukuumaddu dayacday doorkeedii ku waajahnaa inay hawshan wax ka qabato.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Markii hore Shidaalka ayaa qaali noqday oo boqolkiiba toban ayaa ku darsamay, haddana waxaa qaali noqday oo cirka galay Maceeshaddii, siday aniga ila tahayna wax kasta oo maanta qaali noqday waxaa sabab u ah Shidaalka qaaliga noday, Shidaalkana waxaa la wareegtay oo gacanta ku haysa waa Xukuumadda, markaas Xukuumadda ayaa qayb ka ah culayska iyo dhibaatooyinka shacabka soo food saaray, maaddaama uu sare u kacay shidaalkii ay gacanta ku haysay”.

Mar uu farriin u dirayey Xukuumadda wuxuu yidhi “Xukuumadda ayaa dhex u ah Shacabka iyo Ganacstada, ee Xukuumadda waxaa ku waajib ah inay wax ka qabato Maceeshadda cirka isku shareertay, Ganacstadana waxaan kula talinayaa inay Shacabkooda u naxaan oo maceeshada u jabiyaan”

 

Geeska.net/Hargeisa Office