Xildhibaan U Soo Baxay Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu Madaxweyne Biixi Ula Kulmay Inaan Hankiisa Aanu Isbahaysigu U Rumayn Karin

0
582

“Isbahaysigu Hankayaga Diyaar Kama Aha, Ee Isbahaysiga Labada Boos Ee Lagu Tartamayaa  Iyo Guddoomiyuhuba Way Buuxaan”

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mid ah Mudanaayasha Golaha Wakiilada ee la doortay, kana soo baxay Gobolka Maroodijeex isla-markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tilmaamay inuu hankiisi iyo himiladiisi uu ka waayey isbahaysiga labada Xisbi Mucaarad, isagoo ka warramay ujeeddada kulan uu habeen hore la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay ku mutaystay Canaan kaga imanaysa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ayaa Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Saddex wax oo isku qasan oo Siyaasadeed ayaa jira, oo mid waliba gaarkeeda tahay, midi waa Dimuqraadiyaddii oo 82 Xildhibaan ayey ka go’an tahay inay Guddoomiyahooda doortaan, Xisbi go’aamin maayo, Madaxweyne go’aamin maayo, Isbahaysina go’aamin maayo, 82 waa inay qof iska dhex doortaan, oo saddexda shir-guddoon mid waliba gaarkiisa u doortaan, ta labaad waa nidaamka aynu ku soo baxnay ee ah deegaanka iyo reeraha, inaga oo is waafajinayna waa qabyaaladdii, dimuqraadiyaddii iyo doorashadii oo isku dhex jira, oo dhinaca reerkii ayaa awood leh, oo aynaan dafiri karin oo codkooga kugu soo saaraya, dhinacana weel lagu soo baxo ayaa loo baahan yahay, oo ah Xisbiyadii aynu ku tartamaynay, Xisbiyadeeniina wali maynu gaadhsiin inay noqdaan in la isku doorto si hufan, oo qofku ku soo baxo kartidiisa iyo aqoontiisa.”

Xildhibaan Jamaal waxa kale oo uu sheegay inaanu wax kulan ah la yeelan xildhibaan Faratoon oo xisbiga KULMIYE la doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada “Qaybta saddexaad waa isbahaysiga, wax kulan ah oo aniga iyo Faratoon na dhex maray oo aanu arintaas kaga hadlay ma jirto, haddii aanu ka wada hadalano wakhti kale ayey noqon doontaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aalaha dadku ka qabaan inuu ka hoos baxay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka oo xubno kale la doonaya inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee cusub  “Arinta isbahaysiga oo in badan la i weydiinayey wuxuu dhigay qorshe, qorshahaas oo ahaa Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye ku-xigeenba waa la calaamadiyey, waanay tartamayaan, Madaxweynaha waxaan weydiiyey “Ninkaas odayga ah ee aanu maqalnay mooye cid kale may jirtaa oo tartamaysa, Rag ku dhawaaqay mooye cid aanu sheegnay ma jirto” ayey jawaabtayadu, hasa yeeshe tashi baa socda, bulshadii is soo doortay waxaan u sheegaya isbahaysigu hankayaga diyaar kama aha, ee isbahaysiga labada boos ee lagu tartamayaa  iyo Guddoomiyuhuba way buuxaan”

 

Geeska.net/Hargeisa Office