Wasaaradda Q orsheynta Oo Qabatay Kulan Ku Saabsan Xog Ururinta Adeegyada Bulshada

0
604

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa qabatay kulan lagaga hadlaayo xog ururinta adeegyada kala duwan ee Bulshada reer Somaliland oo ay Wasaaraddu doonayso inay xog rasmiya ka hesho.

Kulankan oo shalay ka dhacay Mansoor Hotel, ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed, Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta, Madaxa ka socota Hay'addaha Caalamiga ah iyo Marti sharaf.

Iyada oo ay Shalay ku beegnayd Maalinta Xog ururinta Afrika, oo Sannad walba la xuso, ayaa sidoo kale isla Maalintan loo asteeyey Maalinta Xog ururinta Somaliland, waxaana kulankaas hadal ka soo jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaraadda Qorsheynta Cabdirashiid Axmed Guuleed,waxaanu ka waramay qiimaha ay xog ururintu u leedahay Bulshada reer Somaliland, sida ugu wacan ee loogu dabaqi karo adeegyada kala duwan ee Bulshada, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan "Waxaynu halkan iskugu nimid inaynu ka qayb  galno maanta oo loo astaayey maalinta xog ururinta Afrika, Wadamo badan ayaa isku tagay, oo Shirar badan galay, kadibna waxa la go'aamiyey in la xasuusto oo la isku yimaado maalinta 18 bisha 11-aad,markaas waa maalintii xog ururinta Afrika, waa maalintii xog ururinta Somaliland, xog ururintu waa wax ugu muhiimsan ee ka midka ah wax qabadka, haddaan sahan la helin waxba lama qaban karo, haddaan xog la helin waxba lama diyaarin karo, markaas Somalidu waxa ay tidhaahda war la helyaaba talo la hel, marka war la helo ayaa talana la helaa, markaas xogtii waa war, halkaas imisa iskuul ayaa looga baahan yahay, halkaas imisa caruur ah oo aan iskuul haysan ayaa jooga, halkaas imika hooyo uur leh ayaa jooga, markaas halkaas MCH ma looga baahan yahay, imisa qof ayaa jeelka ku jira, jeelku ma qaadi karaa, imisa ayaa la xukumay, imisa ayaa la sii daayey, dhibatooyinka ugu badan ee lagu xidhay maxa tahay, markaas waa in la is weydiiyaa, intaas oo dhalinyaro ah ayaa sanadkan is furay sababta ay isku fureen maxa tahay, maxa keenay, waa dad intee leeg dadka is furay, marka la qiyaaso boqoliiba todobaad (70%), waa dadka ay da'doodu intaas iyo intaas u dhaxayso, marka waxa la is weydiinayaa, ma dhaqaalo darnibaa, ma dadka oo da yari isku guursadaa, ma is fahan la'aan kale oo fara badan ayaa  jirta, maxa mushkiladahan keena, marka aad xog hesho ayaad helaysaa inaad wixii daba gasho".

Dhinaca kale waxa uu Agaasimaha Qorsheyntu sheegay inay kulankan uu muhiim yahay, isla markaana ay ka Wasaradda ahaan ay ka go'antahay inay Bulshada u soo bandhigaan xog ururinta kala duwan ee ay sameeyeen, waxaanu tilmaamay in hal ku dhiga maalintani yahay in la helo xog wanaagsan oo ku xidhan tiknoolajida casriga ah, waxaanu xusay inay xooga saarayaan sidii mar walba Somaliland xogaheeda kala duwan ee ku xidhan adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada inay raadin doonaan,heli doonaana, si wax looga  qabto meel walba oo u baahan in wax laga qabto.

Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Xog ururinta Wasaarradda Qorsheynta Xasan Cabdilaahi Jaamac oo isna kulankaas hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay inay mar  waba Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ay ku dadaasho xog uruurinta  iyo xog raadin xaqiiqo ah oo ku saabsan adeegyada kala duwan ee dadka, si loo helo xog rasmiya oo dalka iyo dadkaba ah.

Sidoo kale waxa iyana halkaas laga soo jeediyey xoga iyo carasho tilmaamaya  adeegyada kala duwan ee Bulshada reer Somaliland