Shirakda Aflax Spare Parts Oo Ka Hadashay Injineero Ay Dibadda Tabobar Ugu Dirtay Oo Soo Noqday

0
641

Picture2Hargeysa(Geeska)Injineero ka socday Shirkaddaha Korantada iyo Gaadiidka oo tababar aqooneed Shirkadda Aflax ENOC ugu dirtay Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa dalka dib ugu soo laabtay Shalay,

 kaddib markii ay soo dhamaysteen tababarkaas oo ay muddo 15 Maalmooda ku soo qaateen xarunta Wax-soosaarka Shirkadda Saliidaha iyo Mishiinnada. Enoc

Injineerradan oo ay tiradoodu dhamayd Afar, kana kala socday Shirkadda General Electric Hargeisa, Wershada adeega Korantada ee Boorama (Borama electric Power) iyo laba xubnood oo kala metelayey Shirkaddaha Gaadiidka ee Bari iyo Galbeed iyo Aflax, ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay warbaahinta kula hadleen markii ay soo degeen kaddib. Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda AFLAX ENOC Siciid Axmed Doodi, oo ugu horayn sharaxaad ka bixiyey nooca tababarka loo diray Injineeradan iyo ujeedooyinka ay ka leeyihiin Shirkad ahaan aqoon-korodhsigan ay macaamiishooda dibada ugu direen, ayaa sheegay in tababarkani qayb ka ahaa qorshe kor loogu qaadayo mataaneynta faracyada Shirkadda ENOC oo ay wakiil uga tahay Shirkadda AFLAX oo fududdeysay dirista Khubarradan tababarka soo qaatay. Eng. Maxamed Ibraahim Kaahin (Faynuus) oo ka socday Shirkadda Korantada Hargeysa, ayaa ka waramay waxyaabihii ay ka soo faa’idaysteen tababarka loogu diray dalka Imaraadka, waxaanu sheegay inay aqoon mug leh oo ku saabsan tayada Saliidaha Mishiinada iyo isticmaalkooda ka soo faa’idaysteen tababarkan. Waxa kale oo uu aad ugu mahad-naqay Shirkada tababar-aqooneedka siisay, isagoo xusay in si weyn oo qiimo leh loogu soo dhaweeyey xarumaha Shirkadda Saliidaha ee ENOC, halkaasoo lagu siiyey tababarka. Waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi“ Shirkaddaha Aflax iyo ENOC waanu u mahadnaqaynaa, annagoo wax kala iibsanaynay ayay tababar noo direen, wali maan arkin Shirkad wax laga iibsado oo tababar u dirta Macaamiisha wax ka iibsata, Shirkaddan aflax Shirkad ka horaysay maan arag intii aan soo shaqaynayey Eng. Maxamed Faynuus waxa kale oo uu ka warbixiyey qaybaha kala duwan ee Wax-soo-saarka Shirkadda ENOC, waxaanu yidhi “waxaanu maqnayn 15 Maalmood, waxaanu soo qaadanay tababar aanu waxyaabo aad u faro badan ka faa’idaysanay, waxay shirkaddu na geysay meelaha ay wax ku soo saarto, waxa nala barayey sida loo bedelo Saliidaha kala duwan ee Injiinada ( engine oil). Wershada lagu sameynayey Saliida ayaa nala geeyey. Saliiduhu derejooyinbay kala leeyihiin Shirkadda ENOC waxay samaysaa Saliida ugu tayada wanaagsan, waa Shirkad dawladdu leedahay oo maaha Shirkaddaha wax kala shaxaadaya ee faa’idada doonaya” Wuxuu sheegay inay Shirkaddu u balanqaaday inaanay waxba ka bedelayn sameyska Saliidaha ay dalka keenaan, “waxaanu ku nidhi; waxaanu haysanaa Mishiino afar boqol oo kun qaarkood la soo siiyeye side noogu damaanad qaadi karaysaan inaan wax laga bedelin Saliida. Waxay noo balan qaadeen inay na siinayaan garantiin ah inaan samayska Saliidaha waxba laga bedelayn” Eng. Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cismaan oo ka socday Shirkadda Korantada ee Boorama, ayaa isna sheegay “Shirkaddaha Aflax iyo ENOC wixii aanu ka iibsanaynay wax ka badan ayey na gelisay, waayo waxaanu ka iibsanay waxa maanta naga soo galaybaa ka badan markaan qiimeyno. Waxay na soo siiyeen tababar fiican oo aqoon badani nooga korodhay sida loo isticmaalo Saliidaha”ayuu yidhi. Shirkadda AFLAX-ENOC oo kamida Shirkaddaha soo-saara Saliidaha Gaadiidka iyo Mishiinnada Korontada, ayaa hore tababaro noocan ah gudaha dalka ugu qabatay Macaamiisheeda.