Wasaaradda Qorshaynta Oo Cayintay Carwo Hay’adaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Wadaniga Ah U Gaar Ah

0
4649

 

odakHargaysa( Geeska )- Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha caalmiga ah Dr.Sacad Cali Shire, ayaa  ku dhawaaqay inay qabanayaan carwo ay waxqabdkooda ku soo bandhigaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah.

 

Carwadan oo la qaban doono dabayaaqada todabaadka soo socda ayaa uu wasiirku sheegay inay ku qabsoomi doonto hotel Maansoor, isla markaasna ay socon doonto mudo laba maalmood ah, waxaanu ugu baaqay bushada Somaliland inay carwadan ka soo qaybgalaan carwadan oo ay ku ogaan doonaan shaqooyinka ay qabtaan hay’ado badan oo dalka ka hawlgala.

Wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay inay ku wareejiyeen maamulka iyo fulinta hawlaha carwadaasi shirkadda daabacaadda iyo xayeysiisyada ee Asal ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano AOA oo dhawaan qabatay carwadii labaad ee caalami ah.

Sida oo kale Dr.sacad Cali Shire Waxa uu sheegay inay carwadan ay ha’adahu ku soo bandhigayaan waxqabadkooda ay qaban doonaan sanad kasta, waxaanu bulshada u soo jeediyay in carwada ay dhinacsodaan shirar iyo siminaaro ku saabsan waxqabdka hay’adaha ayna ka faa’idi doonaan wax badan oo aragti ah. Waxaanu wasiirka qorshaynta ku bilaabay hadalkiisa “ Waxaan jacelahay inaan halkan ugu sheego dadweynaha Somaliland meel ay joogaanba inaan qabanqaabinayno carwo loogu talo galay inay ka soo qaybgalaan hay’adaha samafalka, waa carwadii ugu horaysay ee noocaas oo kale ah ee laga qabto dalka, waxaan rajaynaynaa inay carwadaasu noqoto mid joogto ah oo sanadle ah isnsha allaah.” Isaga oo wasiir Sacad ka sii hadlaaya carwada waxa uu yidhi “ Wadankasta hay’adaha wax soo saar iyo adeeg waxa loo qaybiyaa sadex, kuwo waa kuwo dawliya, qaarna waa kuwo gaar ah, kuwona waa kuwa samafalka, carwadan waxay gaar u tahay qaybta samafalka, waxa looga jeedo carwadan waxa weeye in la siiyo fursad hay’adaha samafalka ee wadankiga ah, kuwa caalmiga ah iyo hay’adaha qaramada midoobay inay soo bandhigaan wax qabdkoodii, dadkuna waxa uu isaguna fursad u haystaan inuu xogagaal u noqdo hawlaha ay hayaan hay’adahaas, waxaana carwadaas lagu qabanayaa hoolka weyn ee carwooyinka ee Hotel Maansoor.”

Ugu danbayntii waxa uu Dr.Sacad ku dhawaaqay xiliga ay qabanayaan carwadaas ay qabanqaabinayaan “Waxaana lagu qabanayaa laga bilaabo 29,30- bishan 8-aad, waa Arbacad iyo khamiista todabaadka soo socda, saacadaha ay carwadaasu dhacaysaan waa sideeda ilaa lixda, waxaan doonayaa inaan ku xoojiyo oo ku dhiirigaliyo bulshada inay ka soo qaybgalaan carwadaas, waxay fursad u heli doonaan inay la kulmaan hay’adaha, waxa kale oo loo qaban doonaa shirar iyo siminaaro ku saabsan waxyaabaha ay hay’adahu qabtaan.” 

Carwadan ay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ku soo bandhigayaan waxqabadkooda ayaa noqon toonta tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga qabto dalka, waxaana la rajaynayaa inay dibada u soo saari doonto waxqabadka hay’adaha oo aan si caam ah war buuran looga ahayn.