FAALADA MAANTA:- AYAAMO YAR OO AAD NOOLATO WAXAA KA WANAAGSAN ADOO MUDO DHEER NOOLAAD. W/Q: IBRAAHIM QAASIM

15
753

 

17115Hargeysa (Geeska)Ma hawl yara in aad kala dooratid dareen adiga kuu gaara iyo mid lagula wadaagaayo!? Kama wado kala doorashada

 

dhibaatooyinka shaqsiga ku xeeran iyo tan guud ahaaneed.Markii laga soo baxay xulasho iyo xiisad gaara dhawaan ayey ahayd. Waxaynu soo dhisnay qaran dhan walba heegan buuxa looga galay sidii loo dooran lahaa, iyada oo aanay dadku u kala hadhin.

Waxaynu ka soo gudbanay waji waayihiisa wata oo ahaa sidii loo kala reebi lahaa ururo iyo siyaasiyiin kala duwan oo hami sare u leh hogaaminta qaranka iyo umada. Taas oo aakhirkii la soo saaray sagaal urur oo ay ku jiraan kuwii hore.

Kala reebida ururadaasi ragbay ku reebtay galdalooyin badan geest kastaba ha ahaadeene, waxaase hada laga joogaa badhaadhe kol hadii laysku raacay inay qaranku yeesho urur u tartama golaha deegaanka ee cusub.

Umadu waxay kal sooni buuxda iyo qalbi furan ugu diyaar garoobaysaa sidii ay u kala dooran lahaayeen golaha deegaanka ee cusub. Run ahaantii waxay ka waji duwan yihiin kuwii hore dalka u soo maray, waxaanay u badan yihiin wajiyo saaxada siyaasada ku cusub, qaar hore u soo maray iyo kuwo hamigoodu fogyahay.

Ururadaas iyo xildhibaanadaa cusubi hore ayey inoo soo mareen, qaar faa’ido ayey yeesheen, qaar looma aayin oo diba looma arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, kuwo kale lagama hayo balan qaadkii lagu soo doortay ee ahaa waxqabad ayaanu idiin samayn doonaa iyo waxqabadyo kale oo tira badan.

Shaqsi kasta oo ka mida golaha deegaanka ee cusub wuxuu dadweynaha ku soo jiitaa ereyo ay dhisitaanka caasimadu ugu horayso, hore ayaa looga waayey kuwii iyga ka horeeyey oo caruurteeni iyo xoolaheenbi waa kuwaas goobaha xashiiska u foof taga!!

Layskuma jiro oo waxaa jira shaqsiyaad qaab heer qaran ah uga fikira dalka iyo dalka, waxaa jira siyaasiyiin uu ilaahay hami u siiyey hogaaminta umada. Kuwaas oo hadii lagu doorto dan qaran noqon kara kuwo is bedel dhab ah dalka ku soo hogaamiya.

Umada codkeeda la sugaayo ee laysku haysto waxaa ugu qiima badan kuwo garta halka aayaha uboodku ku jiro. Noloshu maaha mid meel uun joogta, balse waa mid waayo iyo dhibaatooyin badan leh. Ayaamo yar oo aad noolaato waxaa ka wanaagsan adigoo mudo dheer noolaada.

Somaliland qabaail inay ku dhisantahay shaki kuma jiro. Aduunku wuxuu ku horumaray kala jiidasha umada. Somali badan oo reer yurub waad maqasheen. Inaga maxaa laynooga waayey reer dhan oo reer gobol kale ah oo doorta ama u ololeeyey qole kale? Jawaabteeda waa inaga oo aan wali ka guurin nidaamkii reernimada.

Way adagtahay in aad reer aanad u dhalan ama aanad hayb la wadaagin codkaaga siiyo, waxaase ay tahay muhiimadu yeynu dooraanaa? Aayaha umadaada hadaad ku aaminto shilimaad kooban, waxaad helaysaa badalkeeda.

Reer Somaliland waxaa looga fadhiyaa inay bulshada caalamka u muujiyeen hanaanka dimuquraadiyada ee wali caalamku inagu canaanaayo faham la’aanteeda. Taas oo ah sidii loo heli lahaa doorashooyin xalaal ah. Caalamku uu og yahay in aanay somaliland ka dhici doorasho xaaran ahi, balse waa imtixaan la mariyo wamada ku nool aduunyada saddexaad.

Si kastaba haynoola dhaqameen muhuumida qoraalkaygu waxay tahay kala garashada jiritaankaaga iyo dantaada gaarka ah.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Qaasin05@hotmail.com

 

Comments are closed.