Wasaaradda Macdanta Oo Beenisay In Deeganka Baki Laga Bilaabay Macdan Qodis

0
421

Picture2Hargeysa(Geeska):-Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil  oo warbaahinta la hadlaayey ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mida warbaahinta gobolka Awdal iyo dadweynaha deegayaa Baki.

Wararka uu agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamartu ka jawaabay ayaa sheegayey in deegaanka Baki laga bilaabay arrimo la xidhiidha macdan qodis, balse agaasimaha ayaa sheegay inay jiraan sahamin laga sameeyey deegaanadaas, isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi

“Maanta waxaanu xaqiijinaynaa oo aanu cadaynteeda bixinaynaa warar, baaqyo iyo shirar jaraa’id oo todobaadyada u danbeeyey  ku soo noq noqonayey saxaafada qaranka, kuwaas oo ka hadlaya meesha la yidhaa Siimoodi oo ka tirsan degmada Baki oo ay wasaarada la wado wada hadal shirkada Chinese ah oo doonaysa inay deegaankaas ka qodo nooc ka mid ah macdanta oo warshadaha loo isticmaalo, taas oo oo la yidhaa Prelium, taas oo qolyo sheeganaya deegaanka oo intooda badani degan magaalada Boorame ay ka waramayeen sun, xaaluf iyo isku dir dad iyo hawlo badan oo meesha ka jira, waxanan doonayaa inaan ka waramo sida ay wax uga jiraan iyo talaabooyinka ay wasaaradu qaaday. Shirkadan Chinese-ka ah waxa la yidhaa ARC (African Resource Company) mudo badan ayey dagaanyeen wadanka, mudadaasna  waxa uu ka shaqaynayey hawlo ganacsi oo u gaar ah iyo inuu dadkeena macdan qodayaasha ah ka iibsado waxyaalaha yar yar ee ay meelahaas ka qodaan, dabadeedna uu dhoofiyo. Wasaaradu markii ay hawlahaas ogaatay waxay la xidhiidhay shirkadan, waxaanay shirkadani soo bandhigtay inuu xiisaynasyo, wadankana macdan ka soo saaro, waxaanay wasaaradu ogolaatay inuu sameeyo sanadkii 2013-kii qodaal xadidan, qodaalkaas oo uu ku ogaanayo nooca macdanta iyo kaydka macdanta ee meeshaas ku jiro, meesha laga qodayaana waa meesha la yidhaa Caduura,sidaas ayaanu company-gu ku yimid dalka oo sidaas ayaanu ku bilaabay hawsha mudo sanad ahna wuu waday.”

Agaasimaha wasaarada macdanta iyo tamarta Siciid Axmed Jibriil  waxa kale oo uu ka hadlay Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland waxa uu ka waramay  shirkad ka caawisay daraasad laga sameeyey dhibaatada ay macdanta laga qoodayo degmada Baki ku keeni karto deegaanka iyo sida looga gaashaamanayo waxaanu yidhi “Company wadanka caan ka ah oo markii sadexaad wadanka ka sameeyey Environmental  Impact Assesment oo degan wadanka Kenya wadankana si fiican looga yaqaano lana shaqeeya shirkadaha Genal Energy, DNO iyo Rag Gas ayaa wadanka yimid waxaanu sameeyey warbixin ka kooban 170 bog ah, waxaana ku jiro sida looga gaashaamanayo, sida looga ilaalinayo deegaanka, nooca ay macdantu tahay,habka loo qodayo iyo qalabka ay shaqaaluhu gashanayaan, markii ay wasaaradu intaas soo diyaarisay ayey dib ula bilawday wada hadalkii Company-ga Chinese-ka ah ee ARC ilaa hadana ma jiro wax qodaal ah oo laga wado meeshii, mana jiro wax heshiis ah oo lala galay shirkadaas oo la saxeexayna ma jiro laakiin waxa jira wada hadal u socda wasaarada iyo shirkadaas oo gaba gabo ku dhaw, waxaana la filayaa in ugu danbayn bishan October uu dhamaado heshiiskani iyada oo waliba la raacayo talaabooyinka ku haboon sidii loo badbaadin lahaa deegaanka,dadka iyo sidii looga faa,iidi lahaa, intaas ka dibna wasaaradu waxay bilawday wacyi gelin, waxani halka ay ka yimadaana wasaarada ayaa dadka u sheegtay wasaarada ayaana ku war gelisay dhibaatada ay leedahay macdanta meesha laga qodayo waxaana lagu war geliyey inaan waxba laga qaban doonin ilaa la helo sida looga gaashaamanayo.”

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa uu ka waramay qodobo muhiim ah oo ay isla qaateen shirkadan baadhaysa macdanta kuwaas oo lagu ilaalinayo deegaanka “Arinbaa jirta mar walba la soo qaadayo  waana arinta in lagu burburiyo deegaanka marka la soo saaro dhagaxan Prelium-ka, taasna wasaaradu sinaba uma ogola heshiiskana way ku jirtaa, shirkadanu way ogolaatay inaanay ku burburin deegaanka marka la soo saarana isaga oo sidiisa ah ayaa laga dhoofinayaa wadanka, ma ogolaanayno hore-na umaanaan ogolayn in lagu dhex burburiyo wadanka gudihiisa, waxa kale oo aanaan ogolaanayn in godad laga sameeyo macdanta dabadeedna macdan qodayaashu ay galaan gododkaas oo ay ka qodaan balse waa in godadka macdanta laga qodayaa ka furnaadaan dusha, waxa kale oo aanan ogolaanayn in qof  iska socdaa inuu goobaha macdanta tago isaga oo aan sidan qalabka ka ilaalinaya dhibaatada macdanta, wasaaradu waxay hore u qaaday  imikana qaadaysaa wacyi gelin  taas oo ka turjumaysa khayraadka in dadka loo sheego, dhibta uu keeni karo iyo sida looga faa,iidaysto, waxaanan dadka somaliland u sheegayaa inay iska ilaaliyaan afmiishaarka iyo cida sidan xun wax u sheegaysa”