Madaxweynihii Mee?:

0
510

Picture3Aljeeris (Geeska)- Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdalcasiis Butafliiqa oo muddooyinkii u dambeeyey la isla dhex marayey in xaaladdiisa caafimaad liidato ayaa arbacadii toddobaadkii dhowaa ee 8da Ogos 2014ka talefishanka dowladda laga arkay dhowr sawir oo muujinaya in uu qaabilay diblumaasiga caalamiga ah ee mar wasiirka arrimaha dibadda ka ahaan jiray dalkaas Al-Akhtar Ibraami. Madaxweyne Cabdalcasiis Butafliiqa waxa uu gashanaa dhar midabkoodu hurdo (Midab aan furnayn), waxa aanu la fadhiyey Al-Ibraahiimi oo uu talefishanku sheegay in uu la qaatay kulan socday ku dhowaad laba saac, waxaa la arkayey madaxweynaha oo dhaq-dhaqaajinaya gacantiisa midig lana sheekaysanaya martidiisa,  in kasta oo laga dareemayey in cod aad u daciif ah uu ku hadlayey.

Kulankan markii uu ka soo baxay ayaa uu Ibraahiimi oo dhowaan loo doortay in uu xubin ka noqdo Golaha Xikmadda ee ururka Midowga Afrika waxa uu sheegay in ujeedada koowaad ee booqashadiisu ahayd in uu soo eego madaxweyne Bu-Tafliiqa, waxa aanu yidhi, “Waxa aan ku farxay in aan ku soo arkay in caafimaadkiisu si is-daba joog ah uga soo raynayo” Ibraahiimi oo warbaahinta la hadlayey ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aanu waqti dheer ka wada hadalnay dhibaatooyin badan oo ka jira gobolkeenna, ka bilow dalka Mali oo uu dalka Aljeeriya kaalin weyn ka qaato iyaga oo dadaalka kalana iska kaashanaya, in Maali laga caawiyo sidii ay u xallin lahayd mushkiladiheeda”

Si kastaba ha ahaato ee toddobaadadii u dambeeyey, muwaadiniinta dalka Aljeeriya waxa ay ku baahinayeen bar-kulannadda bulshada ee internet ka farriinta loo yaqaanno #tag oo ay cinwaan uga dhigeen, “Madaxweynihii Mee?” baadi doonkan ay dadweynaha dalkaasi ku raadinayaan madaxweynooda oo si weyn uga dhex muuqday shabakadaha Facebook iyo Twitter, taas oo jaahwareer badan ku abuurtay bulshada dalkaas, isla markaana abuurtay doodo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee madaxweynaha oo aan xataa talefishankii dowladda lagu arkin muuqaalkiisa.

Dadkan baafinaya madaxweynahooda ayaa farrimahooda waxa ay ku celcelinayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin, “Xaq ayaanu u leenahay in aanu ogaanno halka uu madaxweynihii ku sugan yahay” sidoo kale waxaa laga dhex arkayey muwaadiniin inta ay soo qaateen sawirka madaxweyne Butafliiqa oo aad u weyn oo ku dhejisan mid ka midah daaraha dhaadheer ee caasimadda dalka, ku hoos qoraya, “Halkan oo keliya ayaanu ku aragnaa madaxweynahayaga” oo loola jeedo in sawirkaas muddo ka hor gidaarka lagu dhejiyey uun laga arko balse aan isagii la haynin.

Madaxweyne Cabdalcasiis Butafliiqa waa 77 jir dalkaas ka talinayey tan iyo sannadkii 1999kii, dhowaan ayaanu ku dhuftay xanuun faaligga oo la sheegay in uu khatartiisa weyn ka badbaaday, waxa aanu daweyntiisa u tegey dalka Faransiiska oo uu 80 maalmood cisbitaal yaallay, waxa aanu dalka ku soo noqday isaga oo saaran gaadhi curyaan, taas oo dhalisay dood ah in madaxweyne Butafliiqa uu yahay maqaar-saar ay cid kale muuqiisa ugu hoos gabbato in ay talada dalka daaha dabadiisa ka maamusho. Muddooyinkii u dambeeyey madaxweyne Cabdicasiis laguma arkin fagaarayaasha uu caanka ku ahaan jiray iyo munaasabadaha muhiimka ah oo ay ku jireen xafladihii loogu dabbaal degayey maalinta xorriyadda dalka, xaflad loo qabtay xulka qaranka ee kubadda cagta dalkaas oo guulo muuqda ka soo hooyey koobkii adduunka ee 2014ka, salaaddii ciidda iyo munaafasabado kale.