Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Oo Iska Difaacday Eeddo Ay U Jeediyeen Xildhibaano Wakiilada Ahi

0
578

 

Hargeysa (Geeska)- Wasaarada Macdanta, Tamarta, iyo Biyaha Somaliland ayaa mar kale hoosta ka xariiqday inaanay xaqiiq ahayn eedo ay xildhibaano labada gole Baarlamaan ka tirsani u soo jeediyeen wasiirka macdanta iyo biyaha oo ay sheegeen inuu beeshiisa u gaar yeelay mashaariicdii biyaha. Laakiin wasaaradu waxay warkaas ku tilmaantay  ujeedadooda danno shaqsi.

Shir jaraa’id oo ay  shalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaarada Macdanta, Mr, Siciid Axmed Jibriil, Agaasimaha wakaaladaha Biyaha wasaarada, Agaasimaha Biyaha Wasaarada iyo Maareeyaha wakaalada Biyaha Burco wadajir ugu qabteen wasaarada ayey ku cadeeyeen inaan xildhibaanada eedaha u soo jeedinaya wasaarada xaqiiqada dhabta ah ka daahan tahay ama indhaha la lalinayaan.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee wasaarada Macdanta, Mr, Siciid Axmed Jibriil, oo shirkaa ka hadlay ayaa sheegay “Annigoo ka jawaabaya hadal deel-qaaf iyo gef ku ah milgaha Dawladnimo, ta masuulnimo iyo ta islaamkaba, oo mamnuucaysa in qof masuul ah laga sheego been cad oo aan geedna loogu soo gaban, waxaan leeyahay, waxaan leeyahay eedaha xildhibaanadu u soo jeediyeen wasaarada macdanta waa kuwo aan waxba ka jirin,”

Agaasimaha Guud oo faahfaahiyey sida  wasaaradu u qeybisay 12 ceel  oo ay deeq kaga heshay Kuwayt ayaa sheegay in qaarkood la dhameeyey qoditaankii dhowaana la tijaabinayo, kuwo kale qorshaysan yihiin, uguna qeybiyeen lixdii gobol ee hore, sidan “ Awdal/Salal laba ceel (Gargooray-camuud), Maroodi-jeex laba ceel, (Dameera-boob-Salaxlay), Saaxil laba ceel, (Fara-deero-Goobaare), Togdheer laba ceel, (Qabri-huluul-Dhoqoshay), Sanaag saddex ceel, (Laan-qiciye-Badhan iyo Ceel-afweyn), iyo Sool hal ceel, (Widh-widh).

Sidoo kale, Maareeyaha wakaalada Biyaha Burco oo ka hadlay ceelasha laga qoday magaalada ayaa sheegay, “In afar ceel laga qoday Barriga Burco, (Sii-bakhti, Timo-weynta, Buqleeya iyo Oktoobarr), halka afar kalena laga qoday galbeedka Burco, (Seylada, Beerta Dr, Muuse,  Qandahaar iyo Maxamed cali)iyo mid badhtanka Burco laga qoday, eedaha xildhibaanaduna yihiin niman majar-habaabin wada.”