Safiirka Ingiriiska Oo Wargeyska Geeska Afrika Uga Waramay Aragtida Dawladiisa Ee Aqoonsiga Somaliland Iyo Wada Hadalka Ay La Bilowday Somaliya

0
549

 

Picture5Nayroobi (Geeska)- Xukuumada Ingiriiska ayaa jawaab ka bixisay saamaynta ay ku yeelan karto wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, sheegashada dastuurka Soomaaliya qeybo xuduudaha Somaliland ah.

 

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Matt Baugh, ayaa sheegay  in go’aanka u danbeeya xulida xildhibaanadu lagu muransan yahay u yaala saxeexayaashii waddada khariidada oo la tashanaya odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Matt Baugh, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo uu waraysi la yeeshay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan Geeska Afrika, isagoo ku sugan Nayroobi, ayaa sheegay in beesha caalamku gebi ahaanba dhex u tahay qof kastoo ku guulaysta madaxweyne, Soomaalidana u taalo qofkii ay dooranayaan, waxaana jawaabahii uu bixiyey u dhaceen sidan:

Xilligii xukuumada-ku-meel-gaadhku wuu dhamaaday, inkastoo weli aan xukuumad la dhisin, yaa maamula xilligan Soomaaliya?

Xukuumada Ingiriiska iyo saaxiibadayada beesha caalamku waan isku raacsanayn in wakhtiga ku-meel-gaadhu dhamaado. Waan ogeyn in 20 August, adkaan doonto gaadhitaankeeda, iyadoo caqabado amaan jiraan. Waxa dhab ah in markii koowaad labaatan sannadood xukuumad dalka gudahiisa lagu dhiso, iyadoo weliba bishii Ramadaan iyo Ciidii ku beegmay dhamaadkii wakhtiga. Waan isku raacsan nahay in mudaddaa lagu dhameeyo, iyadoo daneenayaashu taageerayaan gaadhitaanka hadafkaa. Waxaan sidoo kale cadeynay in talaabo laga qaadi doono qof kastoo ula-kac u daahiya ama u-hor-istaaga qorshahaa.

Laakiin, waa in la qiro gaadhitaanka horumar badan, dastuur la sameeyey, lana magacaabay badi xildhibaanadii, iyadoo doorashada Madaxweynaha lagu dhawaaqay 10 September. Si weyn ayaan soo dhoweynaynaa hawshaa, kuna boorinaynaa hogaamiyeyaasha Soomaalida inay dhamaystiraan qorshaha, si markaa xukuumada cusub ay diirada saarto muhiimadooda adeegyada iyo amaanka shacabku doonayo.

Inkastoo Sheekh Shariif, Madaxweynahii hore wakhtigiisii dhamaaday, masuuliyad noocee ah ayuu Mahiga ula soo saaraa war-murtiyeedka, ma waxa jira taageero uu weli ka haysto beesha Caalamka oo ka duwan musharaxiinta kale?

Muhiimadu waa inaan diirada saarno in hawl weyn la qabtay, sidaan sare ku soo sheegay, oo xilligii doorashada Madaxweynaha loo qabtay 10 September. Waan soo dhoweynaynaa ku dhawaaqida doorashadaa. Laakiin, gebi ahaanba waxaan ka nahay dhex qofkii ku guulaysanaya, ama loo magacaabo Madaxweyne, waa mid u taal Soomaalid ainay go’aansadaan, annaga nooma taal.

Sheekh Shariif waxuu ka digay haddii hogaamiye-kooxeedyadii loo ogolaan waayo ka qeybgalka xildhibaanada, in dagaal-sokeeye ka qarxi doono Soomaaliya, sidaad u aragtaa hadalkiisa, ma jirtaa jawaab beesha caalamku ka bixinayaan?

Waxa jiray nidaam qeexan oo guddida farsamo ee baarlamaanku u marayey magacaabida iyo kala shaandhaynta xildhibaanada cusub. Waan ku amaanaynaa hawshooda, si kasta, waan aaminsan nahay inay jiraan kiisas dhowr ah oo baarlamaanka cusub iyo guddidii farsamadu isu afgaran-waayeen. Xilligan,  hawshii guddida farsamadu wuu dhamaaday, go’aanka xildhibaanada hadhay waxa gaadhi doona saxeexayaasha khariidada nabada, iyagoo la tashanaya odeyaasha dhaqanka oo metela shacabka. Waxaan ugu baaqaynaa inay hawshan u galaan iyagoo eegaya danta qaranka.

Madaxweynaha Somaliland, waxuu dib u xaqiijiyey in madaxbanaanida Somaliland lama taabtaan tahay, isla markaana ka digay sheegashada dastuurka Soomaaliya xuduudo Somaliland ah, ma aaminsan tahay dooda Somaliland, isla markaana, sidaad u aragtaa suurtagalka wada-hadal labada dhinac mustaqbalka yeeshaan?

Siyaasadayadu ilaa muddaba waxay ahayd inay Soomaalida u taal go’aan ka gaadhka xidhiidhkooda mustaqbalka, isla markaana jaarkooda iyo guud ahaan wadamada Afrika ay qaataan kaalintooda aqoonsiga waxii soo baxa. Ingiriisku wuu soo dhoweynayaa ballanqaadkii beesha caalamku ka dhiibteen shirkii London ee ku saabsanaa taageerida wada hadal kastoo Somaliland iyo xukuumada –ku-meel-gaadhka (ama waxii bedela) ku heshiiyaan inay gaadhaan, si loo cadeeyo xidhiidhkooda mustaqbalka.

Waxii ka danbeeyey, shirkii London, labada dhinac waxay ka codsadeen Ingiriiska inuu u fududeeyo wada hadaladaa. Annagoo ka jawaabayna codsigaa, waxaan martigelinay kulankoodii koowaad, ee London, oo nala wadaagayeen Midowga Yurub iyo Norway. Waxii ka danbeeyey is-afgaradkii  Chevening House, labada dhinac waxay isla qaateen inay sii wadaan wada hadalada. Waxay ku xidhan tahay iyaga (Somaliland/Soomaaliya) inay go’aansadaan sida ugu wanagsane u sii dhiraandhirin karaan.