Beesha Carabta Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Qayb Galaysa Doorashada Golayaasha Deegaanka

35
626

 

CARABTABerbera (Geeska)- In kasta oo dhaqan ahaan iyo taariikh ahaanba la qirsan yahay in bulshada asalkoodu carab yahay ay muddo qarniyo ah ku dhaqnaayeen Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isla markaana ay dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliyadii hore ka qabteen xilal kala duwan kuna jireen golayaasha sare ee qaranka, haddana waxaa cad in muddooyinkii dambe uu muuqaalkooda siyaasadda iyo ganacsiguba aad hoos ugu dhacay, gaar ahaan intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda.

 

Dawladihii Somaliland ee ka horreeyey nidaamka dimuqraadiga ah beesha carbeed waa ay ka mid ahayd hannaankii saami qaybsi ee ay Somaliland ku kala qaadatay kuraasta golayaasha qaranka laakiin waxa ay mar keliya saaxadda ka baxeen markii nidaamka doorasho uu dalka ka hirgalay.

Haddaba waxaa markii ugu horreysay intii uu jiray nidaamkan dimuqraadiga doorashada ahi ka hir galay Somaliland si rasmi ah isu soo sharraxay muwaadin ka soo jeeda beesha Carbeed ee Somaliland.

Saalim Cubeyd Saalim oo u sharraxan golaha deegaanka degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa aanu xubin ka yahay kana sharraxan yahay urur Siyaasadeedka WADANI. In kasta oo ay Berbera ka mid tahay deegaannada ay beesha carbeed caanka ka tahay ee ay muddada qarniyada ah deggenayd, haddadna waxa ay beeshani ku filiqsan tahay guud ahaanba Somaliland oo ay ugu horreyso caasimadda dalku.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa mar uu dhowaan la kulmay Murashax Saalim Cubeyd Saalim waxa uu weydiiyey bal sida uu yahay dareenkiisa ku aaddan ka qayb galka beeshiisa ee doorashooyinka iyo siyaasada dalka, waxaanu ku jawaabay, "Dareenkaygu wuu wanaagsanyahay, tani waxay muujinaysaa in somaliland horumar dimuqaraadiyadeed sameysay, una bislaatay heer uu muwaadin kastaa helo xaqiisa ah in la doorto iyo in uu wax doorto”

Murashax Saalim Cubayd oo ka mid ah odayaasha aad caanka uga ah gobolka Saaxil ee aad loo ixtiraamo, sannadkii 1954-kii ayaanu ku dhashay isla magaaladan Berbera ee uu hadda u sharraxan yahay golaheeda deegaanka. Saalim Cubayd waxa uu ka baxay dugsigii sare ee Sheekh isaga oo ka hadlaya sharraxaaddiisa iyo in urur siyaasadeedka WADANI uu beeshan ku soo daro liiska murashaxiinta degmadan ay taariikhda fog ku leeyihiinna waxa uu yidhi, “Waa markii u horeysay ee aanu fursaddan helno hadaanu nahay beelaha carabta ee dalkan ku dhaqan. waxaan u mahadnaqayaa urur siyaasadeedka WADANI, sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ee suurtogaliyey tartankan iyo furitaanka ururada tartamaya” Saalim Cubayd waxa oo ka hadlaya midhaha uu ka filanayo murashaxnimadiisan markii ugu horreysay ee beeshan ah waxa uu yidhi, “In aanu ka qeybgalno tartanka doorashooyinka ee golayaasha deegaanku waxa ay albaabada u furaysaa inaanu ka qeybgalno talada wadanka, oo ah wadankayagaii koowaad.. Markaa inan guuleystaa muhiim maaha, waxaa muhiim ah in xaqii dhinaca siyaasada ee beelahan la helo” Saalim Cubayd oo isbarbar dhig ku samaynaya saamiga ay carabtu ka hesho dalalka deriska ah ee ay deggen yihiin waxa uu hadalkiisa ku sii daray, “Marka aad eegto wadamada jaarka inala ah sida Jabuuti, beelaha carabta ee ku dhaqani waxay golayaasha deegaanka iyo baarlamankaba ku leeyihiin xubno ay kooto ku helaan oo aanay tartan gelin. Sidoo kale waxay leeyihiin wasiiro, cidna ku dhaliiili maayo ka muuqasho la'aantaasi dhinaca siyaasada laakiin waxaan aaminsanahay in iminka la gaadhay waqtigii aanu heli lahayn xaqaasi waxaanay muujinaysaa dawlada nimada somaliland tartanka iyo dimuquraadiayda ka jirta ee qaan gaadhka noqotay"

Waxa aanu sheegay in uu rajo weyn ka qabo inuu ku guulaysto xildhibaannimada uu u sharraxan yahay isaga oo sheegay in aanu codka uga marti ahayn beeshiisa oo keliya ee uu sidoo kale uga marti yahay dadka degmada Berbera ee ay abid walaalaha iyo isku deegaanka ahaayeen oo dhan, iyaga oo ku dooranaya in uu yahay nin magaaladan u dhashay kuna dhashay isla markaana deggenaa muddo nus qarni ka badan, oo waayo aragnimada uu u leeyahay iyo aqoontiisu ay ka caawinayaan in uu ka shaqeeyo horumarkeeda. doortaan waayo aragnimadiisa magaalada Berbera oo uu ku dhashay mudo dheerna joogay.

Comments are closed.