Wasaaradda Maaliyadda Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Uu Xisbiga Wadani U Jeediyay

18
505

Picture3Hargeysa (Geeska) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa ka jawaabay dhaliilo Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay u jeediyeen odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka, waxayna sheegeen in waxqabadkooda uu ka marag kacay.

Labadan masuul oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa beeniyey hadalo masuuliyiin xisbiga Waddani ahi ay Jimcihii ku dhaliileen odoroska Miisaaniyadda, waxayna ku tilmaameen kuwo indho la’  oo aan xaqiiqda ka sheegi Karin waxqabadka xukuumadda iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo ugu horeyn shirkaa jaraa’id ka hadlaya ayaa yidhi “Xisbiyadii Mucaaradka ahaa waxa ka soo hadhay uun been, subixii way soo kacaan, habeenkiina way ku seexdaan maxaad Madaxwaynaha iyo dawladda ku saydhaan, Xisbiga WADDANI wuxuu aad uga hadlay Miisaaniyadda hor taala Golaha wakiilada, waxa wax lala yaabo ah oo aan sal iyo raad lahayn in wax aan sal iyo raad lahayn ay umadda Jamhuuriyadda Somaliland ay u sheegaan, waano dhalan-baa ka horeeyay baa la yidhi, Mucaaradka wakhtigan jira waxa kaliya ee ay ku hamiyaan ama ay ku taliyaan inay fool xumo uun ka sheegaan Madaxwaynaha ay dooratay umadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxda dawladda oo ay maalinba wasaarad ay isku qaadaan, waxaanu bulshada u sheegaynaa in waxa ay sheegeen (Waddani) ay tahay wax aan waxba ka jirin, ahna wax been abuur ah oo ay sameeyaan”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Qodobbada ay ka hadleen haddii aan dhowr ka taataabto waxay ka hadleen hay’adda abaabul ka saarka qaranka (NDC) oo shacabka reer Somaliland ogyahay sababta loo abuuray iyo waxa ay tahay, hay’addaa oo ay yidhaahdeen kharashka gala waxa uu ka badan yahay Wasaarado badan, inuu meesha galena may ahayn, waxa nasiib daro ah waxa ay wax ka sheegayaan ama ay dhaleecaynayaan waa hawlgabkii ciidamada qalabka sida ee Somaliland. Ninka ka soo horjeedsanaya nin naafo ah oo dalkan u soo dagaalamay, oo curyaan ah waa nin adduunyo kale ku nool, waa nimanka dhaleecaynaya waddada Ceerigaabo iyo Burco ee dadwaynaha loo samaynayo ee ka soo horjeedsanaya, waxaanu umadda reer Somaliland leenahay nimanku waa kuwa waxa caynkaas ah ka hadlaya’e hala iska ilaaliyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaan leeyahay asxaabta Mucaaradku way indho la’yihiin waxay iloobeen in Wasaaradda Maaliyadda Shahaado sharaf lagu siiyay Baarlamaanka Somaliland hortiisa, shahaado sharaftaasi waxay ka turjumaysay hawsha Wasaaradda Maaliyadu hayso,  markaan ku leeyahay way iska soo kacaan, weli may dhicin Wasiir Maaliyadeed oo shahaado sharaf laga siiyay Baarlamaanka Somaliland”

Wasiir Caddaani, waxa kale oo uu beeniyey hadal ka soo yeedhay Waddani, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in qasnada dawladda Madaxwaynaha lacag looga sameeyay “Xaasha, Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maaha nin meel lacag dhigta, mana aha nin musuq iyo hawlaha caynkaas ah yaqaana, Waddani-na wuu ogyahay, laakiin dadka ayay majaro habaabinayaan oo dhoobo iyo ciiro iyo wax aan la garanayn ayay isku qasayaan, shacabka Somaliland-na ma qabato iyo hadh iyo habeenba been loo sheego”ayuu yidhi, Waxaanu Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland, intaasi sii raaciyey “Waddani, waxa kale oo uu ka hadlay hay’adaha aan sharciga lahayn, hay’ado aan sharci lahayn ma jiraan oo digreeto Madaxwayne ayay ku magacaaban yihiin, hawl qaranna dalka way u hayaan, Shir-guddoonnada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa arimahaa ka hadlaya”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye, oo isaguna shirka jaraa’id hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Xisbiyada Waxba u jawaabi maayo, waayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah Guddoomiyaha Waddani ayaa Abaal-marin nagu siiyay oo isaga ayaa markhaati ka ah, xildhibaanada Waddani ka tirsana golaha dhexdiisa ayay noogu mahadnaqeen, qolada Miisaaniyadda ansixinaysaa waa kuwaas”

Comments are closed.