Midowga Afrika Oo Go’aamiyay Inaanu Uhurru Maxkamada ICC Hortagin

10
1846

Picture4Addis Ababa(Geeska/W.Wararka)-Madaxda Afrika ayaa go’aamisay inaanu Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta hortagin maxkamadda caalamiga ah ee ICC, ilaa laga jawaabo codsiga Afrika ee ah in dacwadaas la laalo.

Midowga Afrika, wuxuu Jimcihii shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta ururka, waxaana lagaga wada hadlay dacwadda ay Maxkamadda ICC ku waddo Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Rutto. Maxkamadda ayaa labada nin u haysata dambi ka dhan ah bini-aadminimada oo la xidhiidha doorashadii 2007 ka dhacday Kenya.

“Midowga Afrika wuxuu go’aansaday inaanu Madaxweynaha Kenya hortagin maxkamadda ilaa laga jawaabo codsiyada aanu samaynay.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanon.

Midowga Afrika, wuxuu maxkamadda u jeediyay cambaarayn salkeedu yahay inay dacwadaha ku oogto oo keliya madaxda Afrika islamarkaana ay tahay shooki loo samaystay Afrika.

Madaxweyne xigeenka Kenya William Ruto ayaa dhawr goor bishii u dambaysay hortagay maxkamadda ICC, halka Madaxweyne Uhurru Kenyatta ay isna qorshaysantahay inuu maxkamadda hortago 22 November.

Comments are closed.