Wasaaradda Duulista Iyo Hawada Oo Soo Bandhigay Wax Qabadkeedii Sannadlaha Ahaa

0
777

 

dulistaHargeysa (Geeska) Wasaaradda duulista hawada iyo cirka ayaa soo bandhigtay mudadii ay jirtay waxqabadkii ay ku talaabsaday iyo himilooyinka u qorshaysan mustaqbalka soo socda. Munaasibada ay wasaaraddu ku soo bandhitay waxqabadkeeda ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaarada duulista iyo hawada, wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha, wasiirka ganacsiga iyo warshadah iyo wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka.

 

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa ka markhaati kacay waxqabadka wasaarada duulista iyo hawada, waxaanay soo dhaweeyeen guulaha uu ku talaabsaday wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay wasiirka duulista iyo hawada waxaanu yidhi ka sheekeeyey hawlaha wasaaradda “Waxa hubaal ah in mudadaa dheer ee wasaaradda duulistu jirtay madaaradda dalka laga qabtay wax badan oo mudan in la mahadiyo, dhinaca kalena waxaan shaki ku jirin inay jiraan wax badan oo baaqday ama qaloocday oo u baahan toosin iyo waxqabad. Mudadii sanadka ahayd wuxuu maamulka cusub ee wasaaraddu isku howlay inuu wax wayn ku soo kordhiyo dhismayaasha, adeegyadda iyo maamulka madaaradda.

Wasaaradu waxay gacan saar la leedahay oo ka caawisa xagga farsamada, maamulka hawadda hay’adda ICAO (International Civil Aviation), taas oo imika wasiirku dadaal ugu jiro sidii gacanta dawlada loogu soo celin lahaa dhammaan adeegyadda uu gacanta ku hayo masruuca CACAS. Himilooyinka Wasaaradda:- Himilooyinka siyaasadeed ee ay wasaaradda duulista ee xukuumadda cusubi u xusul duuban tahay waxa udub-dhexaad iyo bartilmaameed u ah sidii ay madaaradda Somaliland ula tartami lahaayeen kuwa dhigooda ah isla-markaana ay ula jaanqaadi lahaayeen kuwa caalamka, si loo xaqiijiyo hamigaa iyo hadafkaa waxay wasaaradu lagama maarmaan u aragtay iskuna laasimaysay in isbadal weyn lagu sameeyo dhismayaasha iyo maamulka madaaradda Somaliland.

Geesta kale wasaarada ayaa higsanaysa sidi ay wax uga qaban lahayd xoojinta iyo ilaalinta nabadgalyadda Garoomadda. Horumarinta & casriyeynta dhismayaasha madaaradda Somaliland. Tayeynta iyo kor u qaadida adeegyadda ay u baahan yihiin macaamiisha ka goosha madaaradda dalku. Hogaaminta iyo hubinta habsami u socodka duulimaadyadda hawadda Somaliland. Diyaarinta shuruuc u gaar ah Aviation-keena iyo dhaqan galinta kuwa caalamiga ah ee khuseeya duulimaadyadda hawadda Somaliland. Dhiirigalinta iyo soo jiidashada maalgaliyayaasha shisheeye ee horsed u noqon kara furitaanka khadad duulimaadyo cusub. Maamulka Iyo Maareynta: Qaab dhismeedka wasaaradu waxa uu ka kooban yahay afar waaxood oo hay’adda shaqaalaha ka diiwaan-gashan iyo laba waaxood oo lagu kordhiyey walise aan la ansixin, waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:- Waaxda Maamulka iyo lacagta. Waaxda duulista iyo Hawadda. Waaxda Gaadiidka Cirka. Waaxda qorshaynta iyo tabobarada. Kuwaas oo ka hawl gala wasaarada duulista hawada iyo cirka iyo dhamaan madaarada kala duwan ee dalka, waxaanay ka kooban yihiin 193 shaqaale. Maareynta:-Wasaaraddu waxay u xil-saaran tahay maareynta hawlaha farsamo iyo adeeg ee ku lug leh Garoomada, dayuuradaha iyo hawadda Somaliland.