Candlelight Oo Togdheer Tobabaro Gudniinka Fircooniga Ah Ku Soo Gabagabaysay

0
786

fgmHargeysa (Geeska) Tobabar balaadhan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda wadaniga ah ee Candlelight, gaar ahaan xafiiskeeda caafimaadka ayaa waxaa ka soo qayb galay 7 tuulo oo hoos yimaad gobolka Togdheer.   Tobabarkaas waxa lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer ee magalaada Burco. Masuuliiyinta ka soo qayb galay tobabarka ayaa soo dhaweeyey hadafka uu ku qotomo oo ah sidii loo joojin lahaa loona yaran lahaa dhibaatada gudniinka fircoonigu ku hayo bulashada

Xubnaha ka soo qayb galay tobabarka ayaa mudadii uu socday si wayn uga dooday qaabka ugu fudud ee loo cidhib tiri karo halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi, waxaana lagu soo casuumay ka qayb galka tobabarka culima awdiin, dumar iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ka soo qayb galayaasha, gaar ahaana culimada ayaa halkaas ka soo jeedisay muxaadirooyin kala duwan oo salka ku haya dhibka uu leeyahay gudniinka fircooniga ah iyo muxaadirooyin kale oo ku saaban wadciga iyo nolasha haatan taagan, waxaana si gaara loogu dheeraaday waxyaabaha ay diinta Islaamku ka qabto halista gudniinka Fircooniga ah.

Tobabarkan ayaa ku soo beegmay xili lagu jiro wakhtigii dabaysha ama xagaaga oo ah sida dhaqanku yahay xiliga ugu badan ee hablaha yar yar la gudo, waxaanay sheegeen ka soo qayb galayaasha oo u badnaa dad ka yimi meelo ka baxsan magaalada Burco inay ka faa’idayn doonaan wakhtigan aqoonta ay ka korodhsadeen tobabarka u soo xidhmay, iyaga oo intaas ku daray inay ku han waynyihiin inay wax wayn ka tari doono tobabarku nolasha ubadkooda yar yar ee soo koraaya.

Xubnaha ka soo qayb galay aqoon korodhsiga iyo maamulka xafiiska caafimaadka ee hay’adda wadaniga ah ee Candlelight ayaa isku af gartay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, maadama oo ay hay’adda Candlelight ay dabagal ku samaynayso dabar goynta gudniinka fircooniga ah.

Geesta kale aqoon korodhsi noocan oo kale ah ayaa dhawaan lagu soo gaba gabeeyey xafiiska hay’adda ee gobolka Sanaag, gaar ahaana magaalo madaxda gobolkaas ee Ceerigaabo.

Ugu danbayntii waxaa xidhitaanka tobabarka ka hadlay Mr Xasan Cabdilaahi Faarax oo ah masuulka u fadhiyga hay’adda Candlelight gobolka Togdheer, waxaanu sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin dhamaan xubnaha ka soo qayb ee ka yimi tuulooyinka hoos yimaada gobolka Togdheer, waxaanu intaas ku daray in uu bulshada dhamaanteed saamayn ku yeelan karo khatarta uu leeyahay gudniinka fircoonigu. Mr Xasn ayaa intaas ku daray in aan wax faa’ido ah lagu sheegin gudniinka fircooniga ah khasaare mooyaane “wax fa’iido ah laguma sheegin  gudninka fircooniga ah, khasare moyaane.”